Tuesday, August 11, 2026
Xukuumada Somaliland ayaa markale Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku eedaysay in uu gurigiisa ku haysto ciidan beeleed. Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Guryaynta iyo Dhulka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo waraysi gaar ah siiyay MMTV, ayaa musharax Cirro ku eedeeyay in uu haysto ciidan aan diwaangashanayn. "Maanta Cirro...
Xukuumada Somaliland ayaa beesha caalamka u sheegtay in doorashooyinku ku dhacayaan wakhtigii guddida doorashooyinku dajisay, iyado xisbiyadana ugu baaqday in ay sharciga raacaan. Warsaxafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa beesha caalamka loogu sheegay in nabadgalyada Somaliland tahay mid shacabku dhaliyeen oo lama taabtaan ah, in...
Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo deegaano hoostaga maalmahii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa waxaa gaaray Odayaal dhaqameed, Saraakiil ciidan iyo qeybo ka mid bulshada kasoo jeeda deegaanadaasi, kuwaas oo bilaawday wadahadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad soo...
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya inay qaadato 10-qodob oo ka kooban qorshaha xuquuqda Aadanaha. Amnesty International ayaa u soo bandhigtay dowladda Soomaaliya qorshe ka kooban 10-qodob, kaasoo ay ku qeexayso tallaabooyinka ay tahay inay qaado si loo horumariyo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Soomaaliya. Amnesty...
Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya  Soomaaliya Danjire Larry Andre iyo Safiir ku xigeenka Mareykanka ee dalka kenya oo shir jaraa'id Maanta si wadajir ah ugu qabtay xarunta Safaarada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lacag gaaraysa 10 Milyan oo dollar waxay dul dhigeen xubno sare...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay xireen Wadaadka lagu magacaabo Mustaf Cali Caanood oo si weyn looga yaqaano baraha Bulshada, kaasoo dowladda ay ku eedeysay inuu faafiyo aragtida waxa loogu yeero xagjirka. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya...
Booliiska Turkiga ayaa xiray haweeney ay mas’uuliyiintu rumeysan yihiin inay dhigtay qaraxii shalay ka dhacay Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu oo la hadlay Anadalu. Lix qof ayaa ku dhintay 81 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay waddada mashquulka badan ee Istiklal Avenue ee badhtamaha...
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab gaar ahaan Ururka 5-aad guutada 16-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga magaalada Kismaayo. Deegaanada ay ciidanka Kumaandooska Danab howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo...
Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay ka bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Wabxo, iyo dagaal beeleedka Cadale ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab. “Waxaa muuqata in xoogag madaw oo ku sugan gudaha iyo dibadda ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu yiri madaxweyne...
Ugu yaraan 30 kamid ah gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee gobolka Galduud. Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidankan u geysay halkaasi, si ay bariga gobolka Galgaduud uga xoreeyaan ururka Al-Shabaab. Alshabaab ayaa ku sugan meel aan ka fogayn deegaanka...