Tuesday, August 11, 2026
Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen Sakiye Xuseen oo qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter ayaa sheegtay in soo qabashada...
Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea. Bayaan dheer oo lagu daabacay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Erirea, ayaa lagu sheegay in reer galbeedku faafiyeen sheegashooyin been abuur ah oo aan...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo  dhaweeyay. Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa degmada Maxaas kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan...
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga. Si lamid ah hadalkii hogaanka xisbigu xukuumada kalsoonida kagala noqday 13 November, xisbiga WADDANI, ayaa markale, sheegay aanu aqoonsanayn xukuumada Somaliland ilaa oo ay sharciga kusoo...
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo. Labada nin ee dilka toogashada ah Maanta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii...
Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia. Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Tukeh,” ayaa loo haystaa dil...
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruse ayaa Jimcihii qalinka ku duugay heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland. Heshiiskan ayaa wuxuu ilaalin...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab. Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa warbixinno ku saabsan guulaha iyo abaabulka dagaalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, ka dhagaysan doona...
Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar. Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, islamarkaana ay...
Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa mar uu Warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in dagaalyahannadoodu aysan hubka dhigi doonin ilaa Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaaradu ka baxaan dhulka Tigray. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Eritariya ay xad gudubyo dagaal ka gaysteen gobolka Tigray intii uu socday dagaalkii...