Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay maanta kulan ka yeeshaan Darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka Degmada Balad-Xaawo.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah ee degmada Baled-Xaawo, waxa ay walaac ka muujinaayay Xaaladda degmadaasi, Maadaama Gudaha...
Doorashooyin heer Qaran ah, Qaraxyo iyo Weerarro culus oo dad badan ku dhinteen, Dilal qorsheysan iyo Isbadalo siyaasadeed waxey Astaan lagu xasuusto u noqon doonaan sanadkan 2017da ee sii dhamaanaya.
Bishii January 2017:- Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Taariikhda yeelatay Aqal sare ( Gollaha Odayaasha) oo ka kooban 51 Xubnood oo...
Wasiirka duulista hawaada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Oomaar oo marti ku ahaa barnaamij ka baxayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku...
Aqristeyaasha shabakadda WARSOM, waxaan halkan ugu soo gudbineeynaa qaar kamid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadda dhamaatay ee 2017, ka dhacay Jubbaland.
SHIRARKA
Bishii Juun ee sanadkan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa yimid Kismaayo, isagoo kulamo la qaatay madaxda Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah, salaadiinta...
Ciyaaryahankii hore ee Kubadda Cagta marna ku guuleystay Laabka ugu wanaagsan dunida George Weah ayaa noqonaya Madaxweynaha dalka Liberia kaddib doorashadii ka dhacday dalkaas Talaadadii aynu ka soo gudubnay.
Guddiga doorashada dalka Liberia ayaa sheegay in codadka la tiriyay oo ah 98.1% uu Mr Weah uu hogaamiyaha isbahaysiga isbedelka dimuqraadiga...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya mar kale cafis u fidineyso haddii ay isa soo dhiibaan dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan Al-shabaab heli doonaan nolal wanaagsan haddii ay isaga baxaan falalka ay ku...
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah La taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xildhibaanada baarlamaanka inay cabsi gelin ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Tarsan, ayaa sheegay in Boqolkiiba Sagaashan waqtigii Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaruhuba uu ku baxayo Baarlamaanka, isagoona su’aal ka keenay...
Mareykanka ayaa War ka soo saaray gaari yar oo nooca raaxada ah oo habeenkii Khamiista aheyd lagu duqeeyay degaanka Xaawa Cabdi oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Mareykanka ayaa sheegay in uu duqeyn ku dilay Afar ka tirsanaa xoogaga Ururka Al-Shabaab, islamarkaana uu burburiyay gaari ay walaxaha Qarxa saarnaayeen oo...
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay hawadda Soomaaliya sheegtay inay la soo wareegtay.
Maareeyaha wakaaladda Hawadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in arrintaasi hawadda sare ee laga heshiin ay khatar galin doonta hawadda sare, waxaanu u baaqay in dalalka dariska ah iyo UN-tu arrintaasi hoos u eegaan.
“Dawlada Soomaliya waxay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu badashay dhaqansiyaasadeed horay u jiray oo dhibaato u keenay sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa maanta xariga ka jaray xarunta laga maamuli doono Hawada Soomaaliya oo muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan bedelnay dhaqan...


















