Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo burburkii dowladda dhexe kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.
Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta...
Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa fariin u diray madaxweynaha cusub ee Somaliland, isaga oo ka dalbaday in la fuliyo heshiiskii maamulkiisa uu la gallay xukuumadii Siilaanyo.
Wuxuu sheegay Cali Khaliif Galeyr intii ay socotay ololaha doorashada madaxweynaha Somaliland in ay is arkeen Saddexdii Musharax ee u tartamaysay xilka Madaxweynaha...
Malaayiin Ruux Soomaali ah oo Qaramada Midoobey Sheegtey in ay Gargaar Bini’aadanimo u Baahanyihiin.
Sannadkan sii dhamaanaya ee 2017 Malaayiin dad ah oo Soomaali ah ayaa ku barakacay iska hor imaadyo hubeysan iyo kuwa kale ayaa lagu dilay, laguna dhaawacay rabshado.
Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay dadka Soomaaliyeed wada shaqayn joogto ah, si wax looga qabto dhibaatooyinka cakiran ee ka jira gudaha Soomaaliya gaar...
Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda labada dal, ay gudaha u soo gelisay qaybo ka mid ah degmada.
Arrintan, ayaa ka careysiisay bulshada ku dhaqan Degmada Baled Xaawo, waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen Dibadbaxyo...
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah daah fureysa qalabkii lagu hagi lahaa maamulka Hawada, oo dhawaan lagu rakibay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo qaban qaabada munaasabaddaas ay ka socoto Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Madaxda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay daah furaan qalabkan oo suura gelin doona in lagu...
Madaxweynaha maamulka gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay khudbad ka horjeedinayay xildhibaannada Baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in Hirshabeelle wajaheyso sida uu hadalka u dhigay coleys uga imanay Al-shabaab.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in deegaannada uu ka arimiyo maamulka ay soo gaareen sida uu hadalka u dhigay dagaalamayaal ka...
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo magaalada Muqdisho ka daah furay Howlaha Dariseenta Degmooyinka Gobolka ayaa ka hadlay halka loo marayo Howshaasi.
Gudoomiye Taabit ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay howlaha Dariseenta, Cadaaladda ayuu sheegay in la’aanteeda aanan soconeen.
Waxaa uu...
Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi ayaa sheegay in maalinta Berri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guualysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo...
Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kulan ay halkaa ku yeesheen xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ku meel-mariyeen golaha Wasiirada uu bishii hore uu soo magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Mudane ayaa waxaa ogolaatay 77 Xildhibaan, halka labo Xildhibaan ay diiday, cid...
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Rag hubeysan xalay ku toogteen Waqooyiga magaalada Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiile.
Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa taliyaha xero lagu Keydiyo hubka oo lagu magacaabo Inji, waxaana la...


















