Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Bayaan Ka Soo Saaray Xiisadaha Ka Oloolsan Deeganada Puntland Iyo Somaliland.

0
562

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hay’adda Culimada Somaliyed ayaa soo saartay Bayaan la xiriira xaaladaha kala duwan ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay.

Bayaanka ay soo saareen Culimada Somaliyed, ayaa waxa ay kaga digeen cawaaqib xumo ka dhalan karta xaaladaha ka taagan Gobolka Sool.

Waxa ay ugu baaqeen Somaliland iyo Puntland in arrimahooda ay ku xalistaan qaab wada hadal, islamarkaana ay joojiyaan colaadda halkaasi ka taagan.

Culimada ayaa ka digay barakaca iyo burburka ka dhalan kara sii socoshada xaaladaha kacsan ee nawaaxiga deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa shalay aroortii ku dagaalamay deegaanka Tukaraq, welina halkaasi waxaa ka taagan xiisad dagaal oo labada dhinac u dhaxeysa.warsom2011@gmail.com