Waziirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shir Looga Hadlayey Xasilinta Dalka.

0
580

Mudane Cabdi Maxamad Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka, kaasoo ay ka qeyb galayaan Beesha Caalamka, Mas’uuliyiin ka socotay dowlad Goboleedyad

Shirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro sida ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xasilinta guud ee dalka .

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Maxamad Sabriye ayaa kula dar-daarmay ka qeyb galayaasha kulanka in ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan sida ugu haboon ee dalka lagu xasilin karo iyo muhiimadda ay leedahay.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay uu qabto Wasiirka Arrimaha Gudahatan iyo markii xilkan loo magacaabay 4-tii bishan Janaayo  ee sanadkan 2018.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada dalka kala shaqeynayso xaqiijinta ammaanka deegaanadooda iyo in hal meel looga soo wada jeesto falalka lidka ku ah ammaanka.

warsom2011@gmail.com