Kursigii Barlamaan ee Doorashadiisu Jowhar ka Socotey oo ay Isugu Soo Hareen Sanbaloolshe iyo Nuur Iidaw.

0
532

Wareegii labaad ee doorashada mid ka mid ah Kuraasta golaha shacabka ayaa waxaa isugu soo haray Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo iyo Nuur Iidoow Beyle.

Doorashada waxaa ka qeybgalay ilaa Lix musharax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Nuur Iidoow Beyle, Cali Cabdullaahi Cosoble, Xusseen Axmed Geelle, Daahir Cabdulle Cawaale iyo Dahabo Xassan Axmed.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa helay 24 cod halka Nuur Iidoow Beyle uu helay 23 cod, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hellay 1 cod, waxaa xumaaday saddex cod, halka musharixiinta kale aysan helin wax cod ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha wareega labaad waan idin soo gudbin doonnaa.

warsom2011@gmail.com