Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal, waana tallaabo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ku yimid siyaasadda difaaca Soomaaliya.
War ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku sheegtay in Heshiiskan si rasmi ah ay u kala saxiixdeen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.
Bayaanka ayaa lagu cadeeyay in Heshiiskaan uu yahay mid iskaashi difaac oo diiradda saaraya tababarrada ciidamada qalabka sida, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Saxiixa heshiiskan ayaa imanaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u laashay heshiiskii difaac ee ay hore ula lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo hadda Qatar noqotay saaxiibka cusub ee dhinaca iskaashiga milatari.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in heshiiskan uu mar kale adkaynayo xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, isla markaana uu muujinayo sida ay labada dhinac uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka fog.











