Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan magaalada Davos ee Switzerland halkaas oo ka socdo Shirka Dhaqaalaha Adduunka, ayaa la kulmay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.
Madaxweyne Herzog oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo xidhiidhka cusub ee ay yeesheen Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana uu rajeynayo in labada ummadoodba ay ka wada faa’iidaysan doonaan.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, halkan Davos. Waxaan soo dhaweynayaa aasaasidda xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, waxaana rajeynayaa in aan sii xoojino iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan labada ummadoodba,” ayuu yidhi Herzog.
Madaxweynaha Somaliland ayaa safar aan hore loo shaacin ku tagay magaalada Davos, isaga oo shalay sawir iyo salaan aanu ku faahfaahin meesha uu joogo ku baahiyay baraha bulshada, isaga oo saaran mid kamid ah diyaaradaha madaxda u qaada goobta buuralayda ah ee uu shirku ka dhacayo.
Waxaa la sheegay in Madaxweynuhu uu halkaas u tagay inuu kulan doceedyo kula yeesho qaar kamid ah wufuuda caalamka ee uu danaynayo, isaga oo ilaa hadda si rasmi ah ula kulmay Madaxweynaha Israa’iil oo ah dalka kali ah ee Somaliland si rasmi ah u aqoonsan.
Kadib safarka Davos, waxaa la filayaa inuu safar kale ugu baxo dalka Israa’iil, isaga oo si rasmi ah u saxiixaya Heshiiska Ibraahimiyada, si Somaliland iyo Israa’iil ay u yeeshaan xidhiidh iskaashi oo dhab ah.











