Wednesday, August 5, 2026
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in  codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC. Warbixin lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo...
Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dhamaadka bishan Novembar ee sanadkan 2025 magaalada Muqdisho la qaban doono doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho in looga baahan...
Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa ururka Daacish ayaa haatan ka socda Ceelka Il-Abbal, oo ka mid ah talisyada ugu muhiimsan ururka Daacish ee buuraha Calmiskaad. Saraakiil dhinaca amniga ah oo aanu xog ka helnay ayaa inoo sheegay, in ciidamada Puntland ay saakay weerar qorsheysan ku...
Maanta oo Isniin ah, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas, oo loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Suudaan. Dr. Gaas, oo ah siyaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed, ayaa horey u...
Xarakada Xamas ayaa sii daysay toddoba maxbuus oo Israa’iili ah, kuwaas oo loo dhiibay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), taasoo ah wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in kumannaan qof oo isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ay...
Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho shaqo oo heer sare ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee...
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Wada-tashi Qaran oo laba maalmood socon doona, kaasoo diiradda lagu saarayo diyaarinta iyo hirgelinta Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee dalka ee sanadaha 2025 ilaa 2030. Wadatashigan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay...
Xisbiyada siyaasadda Puntland ayaa ku fashilmay inay qabtaan shirarkoodii Golaha dhexe, kaddib markii maamulka Puntland uu joojiyay taageeradii dhaqaale ee ay xisbiyada ka heli jireen xukuumadda. Sanadkii hore, maamulka Puntland ayaa ka jartay xisbiyada lacag gaaraysa $10,000 oo bil walba loo qoondeeyay si ay howlahooda ugu wadaan, iyadoo dowladdu ku...
Warbixin ay si wadajir ah u daabaceen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Kolombiyada ee La Silla Vacía ayaa shaacisay in saldhig militari oo Imaaraadku ku leeyahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari loo adeegsado meel lasii mariyo dagaalyahannada Kolombiyaanka ee loo diray dagaalka ka socda Suudaan. Mid ka mid ah dagaalyahannada...
Xiriirka u dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen iyo kooxaha argagixisada Soomaalida ayaa halis ugu jira inuu sii kordhiyo amni darrada Soomaaliya kana sii daro carqaladda maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday aries Intelligence oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha amniga Aries...