Wednesday, August 5, 2026
Maraykanka ayaa diyaarinaya howlgal gaar ah oo lagu beegsanayo dadka ajaanibta ah ee ku sugan gobolka Minnesota, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee si sharci-darro ah ugu nool gudaha Maraykanka, sida uu sheegay qof xog-ogaal u ah qorshahan. Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald...
Ciidamada ilaalada Madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa rasaas kor u riday xilli uu maanta ka dhoofayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo safar ugu ambabaxay waddanka Imaaraatka Carabta. Rasaasta ayaa la maqlay kadib muran soo kala dhex galay ilaalada Madaxweyne-hore Biixi iyo ilaalada garoonka, iyadoo mid ka mid...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminaayay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley. Wafdiga Danjire Richard H. Riley ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha...
Xirnaanshiyaha Suuqa weyn ee degmada Xamarweyne ee Goblolka Banaadir ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, kaddib markii ganacsatadu ay sheegeen in ay ku adkaatay culeysyo cusub oo dhinaca canshuuraha ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xafiiska dakhliga ee Wasaaradda...
Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir, ayaa maanta ka hadlay howlgalada ay ciidamada ammaanku ka wadaan degmada Walanweyn iyo deegaannada hoos taga, isaga oo ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada Milateriga iyo Darawiishta Koonfur Galbeed oo uu sheegay inay si buuxda u xasiliyeen xaaladda degmada. Wasiirka ayaa sidoo kale...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Kenya ku ammaanay inay saldhig u tahay dowladnimada Soomaaliya ee maanta jirta, isagoo sheegay in Kenya ay abaal badan ku leedahay Soomaalida. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Kenya laga doonayo inay mar walba garab istaagnaato Soomaaliya, oo uu sheegay in...
Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan lacagaha sharci-darrada ah ee dhexmara nidaamka maaliyadeed ee dalkaasi. Hay’adda Joojinta Dembiyada Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda (FinCEN) ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha ay dirayaan shakhsiyaad sharci darro ku jooga gudaha Mareykanka, kuwaas oo lacago si...
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo ku dhawaaqay jadwalka doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ayaa lagu cadeeyay in guddigu hadda ay u buuxsantay hal sano oo shaqo...
Xalay waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay filim sida fariinta Somaliland, oo lagu magacaabo “Aan la Aqoonsanayn”, kaasi oo uu soo saare ka yahay suxufi Cabdirisaaq Terra, halka uu agaasimay Xuseen Boon oo isna ah filim-sameeye. Filimkan oo daawashadiisa ay awoodi karayeen dadka dabaqadda sare oo keliya, ayaa tigidhadiisa...
Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Xamarweyne ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo si awood sheegasho ah ula dhaqmay Maamo Soomaaliyeed oo ku ganacsanaysay suuqa Xamarweyne. Askariga eedeysanaha ah ee gacanta lagu soo dhigay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Ibraahim ayaa ah...