Wednesday, August 5, 2026
Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka la socodka dhaqdhaqaaqa Maraakiibta iyo doomaha maraya badaha ee loosoo gaabiyo (IMSO) si ay uga warqabto waxyaabaha ka dhacaya baddeeda. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Soomaaliya Cabdulkhaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada London kulan miro-dhal ah kula yeeshay Xoghayaha...
Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay. Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii hore ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay...
Dowladda Spain ayaa ansixisay hal milyan oo euro oo ah deeq ah oo loo dirayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), intii lagu guda jiray kulanka Golaha Wasiirrada. Dowladda Spain ayaa sheegtay in lacagtani lagama maarmaan tahay, maaddaama xasillooni darrada Soomaaliya ay khatar ku noqon karto Geeska...
Taliyaha qeybta guud ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga guud ee Caasimadda iyo ka hortagista falalka lidka ku ah amniga. Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa warbixino la xariira xaalada amniga looga dhageystay saraakiisha ciidanka Booliiska, gaar ahaan falalkii ugu dambeeyay...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaarta dalka ka jirta, taas oo hadda saameysay ku dhowaad shan milyan oo qof. Farmaajo wuxuu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo aan helin gargaar ku filan, isla markaana xaaladdooda ay...
Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan, ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa lagu beegsaday horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa farsamaynta iyo diyaargarowga qaraxyada ka dhaca gobolkaas sida loogu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay...
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal ku weeraray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isaga oo uga digay xaalad siyaasadeed oo uu ku sifeeyay mid gaartay xilli go’aan-qaadasho adag. Fahad Yaasiin, oo muddooyinkii dambe si weyn uga hadli jiray arrimaha siyaasadda...
Ciidmaada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay horjooge sare oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Horjoogaha howlgalka lagu dilay ayaa lagu macaabi jiray Axmed Sheekh Cumar oo horay u soo noqday guddoomiyihii kooxda ee deegaanka...
Warar dheeraad ayaa laga helaya howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku fashiliyeen qaraxyo miino oo ay kooxda Al-shabaab ku diyaariyeen deegaano ka tiran gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay  ciidamo ka tirsan guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April, kuwaas oo burburiyay goobo kooxdu diyaarisay qaraxyo...