Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa ka halday kulan heegay in dowladda Federaalka ay kulan kula qaadatay mas’uuliyiin ka socday dowladda Maraykanka iyo maalgashadayaal daneynaya shidaalka iyo macdanta dalka, si loo xoojiyo iskaashi ku aaddan ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa dhinaca Maraykanka ka matalayay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay kusimaha safiirka, Justin Devil, sida uu wasiirku sheegay.
Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saaray dhiirigelinta maalgashadayaasha Maraykanka si ay u maalgashadaan Soomaaliya, gaar ahaan qeybaha shidaalka iyo macdanta. Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isku afgarteen in la kordhiyo wada shaqeynta farsamo (technical cooperation) si loo sahlo gudbinta fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.
“Waxaan ka wada hadalnay sidii si wadajir ah looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka, loona abuuri lahaa jawi dhiirigelinaya maalgashi Maraykan ah oo ka dhaca Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in la isla gartay in la qabto kulamo kale oo farsamo oo ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo guddi farsamo oo ka socda safaaradda Maraykanka.
Sida uu sheegay wasiirku, kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka qabsooma Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay mid dhiirigelin u ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku soo jiidato maalgashi shisheeye.
Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay soo bandhigtay heerka ay marayaan siyaasadaha la xiriira maareynta kheyraadka, iyo diyaar garowga wejiga labaad ee horumarinta macdanta iyo shidaalka dalka.
Dhankiisa, ku simaha safiirka Maraykanka Justin Devil ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, inkasta oo shirkadaha Maraykanku ay si madax-bannaan u gaaraan go’aannada ku saabsan maalgashiga ay sameynayaan.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay inay soo jiidato maalgashi caalami ah, iyadoo sheegaysa in horumar laga sameeyay dhinacyada sharciyeynta iyo dejinta siyaasadaha kheyraadka dabiiciga ah.













