Mid kamid ah Lataliyeyaasha Madaxweyne Dani oo Booliska Federalku ku Xireen Muqdisho.

0
290

ska Soomaaliya ayaa xalay sheegay in Axmed Hurre, la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Puntland, la xiray, iyadoo lagu tuhunsan yahay in uu ku lug leeyahay falal amni-darro ah.

Sida xoguhu sheegayaan, Hurre waxaa laga xiray hotel Airport ee magaalada Muqdisho xilli uu kulan la lahaa dhowr ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo qaar ka mid ah sidoo kale la jirdilay.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Xasan Jeyte ayaa barteedi bulshada ku soo daabacday iyadoo ka hadlaysa qaabka ay u dhacday xariga lataliyahaan: “Waxa na soo weeraray ciidanka booliska Soomaaliyeed oo noogu soo galay Hoteelka Airport ee aan ka daganahay magaaladda Muqdisho ayada oo la waydiiyay Xildhibaan Sadaam qolka aan daganahay waana ka maqnaa qolkayga ka dib markay arkeen in la soo jeedo ayay naga kaxaysteen Axmad Cabdi Hurre waxayna nagu fiiqeen xabad ayaga oo nagu kor cabaystay, Waxaan ka badbaaday dil iyo afduub ku salaysan khasab ku codee”.

Booliska Soomaaliya ayaa iyaguna dhankoodi ka hadlay arintaan iyagoo  xaqiijiyay xariga Hurre.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gudanaya waajibaadkooda qaran, waxaana caawa la qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku hawlanaa falal amni-darro, waxaana hadda lagu sameynayaa baaris.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta geeddi-socodka wax ka bedelka dastuurka, taas oo kor u qaadaysa walaaca ku saabsan isku dhacyada u dhaxeeya madaxda iyo qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah.