Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadka 2026 ay soo saari doonto nooc cusub oo baasaboor ah, ka duwan kan hadda ay isticmaalaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow, ayaa arrintan ka sheegay munaasabad ay hay’addu kusoo bandhigtay Warbixinta Sanadeedka Waxqabadka 2025....
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ka hadlay shirweyne maanta lagu wado inuu magaalada Kismaayo uga furmo xubnaha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.
War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiir Cali Xoosh ayuu ku sheegay in dowladdu marnaba kasoo horjeedin...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dib u dhac ku yimid kaalmadii miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Turkiga, iyadoo Wasiirka Maaliyaddu xaqiijiyay in lacagtaasi aan weli la helin sanadkan.
Wasiir Bixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Turkiga, oo kamid ah saaxiibada safka hore ee...
Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa galinkii dambe ee Shalay howlgalo qorsheysanaa ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Warsaxafadeed kasoo Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi lagu dilay ilaa sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugna...
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda ee ay horey ugu heshiiyeen Labada dhinac, kaas oo muhiim u ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka badda (Blue Economy).
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara...
Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo loo haysto inuu ku dilay habeen hore degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay mooto Bajaaj.
Eedeysanahan oo ay gacanta kusoo dhigan ciidanka Booliiska ee ka howlgala degmada Deyniile...
Qodista Shidaalka Somaliland oo Lagu Dhawaaqay Waqtiga ay bilaabaneyso iyo Shirkadaha ka Hawlgelaya.
= Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in qodista shidaalka qaydhiin ee Somaliland ay ku bilaabmi doonto muddo laba sano ah gudahood.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibadda Carwada Macdanta Somaliland oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in qodista shidaalku ay si...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dowladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Romain JOLY, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.
Weftigan ka socday Faransiiska ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Somaliland....
Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Koongareeska ayaa ka dalbatay maamulka Trump in ay sharaxaan hawlgalka ICE ee ka socda gobolkeeda Minnesota ayna caddeeyaan sababta ay uga fiirsanayaan ka noqoshada ama ka laabashada sharciga TPS ee ilaaliya boqolaal Soomaali ah oo aan sharci haysan.
Ilhan Omar waxay codsiyadan ku dirtay...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii hore, waxaana sidoo kale lagu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.
Wareegtada waxaa Wasiirka...


















