Monday, August 3, 2026
Taliska sare ee ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa kulan ka yeeshay sidii loo sugi lahaa amniga doorashada golayaasha deegaanka ee lagu wado in Muqdisho ka dhacdo 25-bishaan. Kulanka kadib Booliiska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maalinta codbixinta ee ku  maalinta Khamiista bishuna tahay 25-ka December...
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ku dhowaad 5,000 oo shaqaale doorasho ah loo diri doono goobaha codbixinta 25-ka Diseembar, si loo xaqiijiyo in doorashada Qof iyo Cod ee Banaadir ay si guul leh u dhacdo. Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in dadkani oo intooda badan ay...
Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ku dhowaad 10,000 askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin sugidda ammaanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Muqdisho 25-ka Diseembar. Wasiirka Amniga Gudaha, Fartaag, oo la hadlay warbaahinta ka hor doorashooyinka, ayaa sheegay in...
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii loo gaari lahaa xasillooni iyo ammaan Geeska Afrika si loo adkeeyo marin biyoodka Badda Cas. Madaxweyne Al siisi ayaa arintaan ku micneeyay iyadoo la tixgelineyo in marin biyoodkaan uu muhiim u yahay amniga gobolka iyo kan...
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin badan oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii halkaasi uu Aabe Soomaaliyeed ku gowracay gabar uu dhalay. Aabaha ayaa la sheegay inuu gabadhiisa ku gowracay duuleedka degmada Baardheere, gaar ahaan nawaaxiga xerada barakacayaasha Iftin. Lama oga sababta rasmiga ah...
Shirweynaha Aayo-Katashiga oo ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay dhincyada ka qeyb galay ku muujiyeen walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bani’aadanimo ee dalka. Shirweynahan, oo ay ka qeybgaleen Golaha Mustaqbalka, xildhibaano, siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo ururrada bulshada...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda magaalada Kismaayo, isagoo diray farriin si toos ah ugu wajahan siyaasiyiinta ku shirsan halkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal iyo tanaasul, balse uu shirka Kismaayo noqdo ay kasoo baxaan aragtido iyo...
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ogeysiis rasmi ah oo lagu wargelinayo dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakinayo dhammaan howlaha waxbarashada ee ka socda Gobolka Banaadir. Ogeysiiskan ayaa lagu sheegay in hakinta waxbarashada ay bilaaban doonto 21-ka Diseember ilaa 25-ka...
Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Al Jazeera in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya uu leeyahay cillad amni oo halis gelinaysa xogta shakhsiyeed ee dadka codsada fiisaha. Ilo-wareedku wuxuu sheegay in arrintan ay horay ugu gudbiyeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya toddobaadkii hore, si ay uga digaan khatarta jirta, balse...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah masiirka dalka, gaar ahaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda Muqdisho. Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha Wasiirradu ka dhageysteen...