Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Dalbadey Gurmad Uga Yimaad Dalalka Yurub Si loo Difaaco Marinka Hormuz.

0
343

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisu la xidhiidhay ugu yaraan toddobo dal si ay uga qayb qaataan sugidda ammaanka marinka muhiimka ah ee Hormuz, xilli xiisadda dagaal ee u dhexeysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan ay weli saameyn ku yeelanayso gaadiidka shidaalka ee caalamka.

Trump ayaa warbaahinta kula hadlay diyaaradda madaxtooyada Maraykanka ee Air Force One, isaga oo sheegay in dalalka si weyn uga faa’iideysta shidaalka ka yimaada Khaliijka ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta marinkan badeedkan muhiimka ah, kaas oo qiyaastii la mariyo ku dhowaad 20% shidaalka dunida.

Madaxweynaha Maraykanka wuxuu tilmaamay in wadahadallo ay la yeesheen dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Faransiiska, Jabaan, Kuuriyada Koonfureed iyo Boqortooyada Ingiriiska si loo sameeyo isbahaysi ilaaliya maraakiibta shidaalka.

Maamulka Trump ayaa dhanka kale sheegay in dagaalkan uu ku dhammaan karo toddobaadyada soo socda, iyadoo masuuliyiinta Maraykanka ay rajo ka muujinayaan in marka uu dagaalku dhamaado uu hoos u dhici doono qiimaha shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda sii socota iyo xidhnaanshaha marinka Hormuz ayaa weli walaac weyn ku haya suuqyada tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.