Safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu weeraray gantaal Sabtidii maanta, isaga oo ku dhacay gudaha xarunta safaaradda, taasoo sababtay qiiq ka kacay dhismaha.
Ilo amni oo Ciraaqi ah ayaa u sheegay telefishanka Aljazeera in weerarkaasi uu waxyeello u geystay qayb ka mid ah nidaamka difaaca hawada ee safaaradda, inkastoo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah.
Sida ay sheegeen laba sarkaal oo amni oo la hadlay wakaaladda wararka Associated Press, gantaalka ayaa ku dhacay goobta ay ka degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ku dhex taalla safaaradda. Gantaalkan ayaa ku dhacay gudaha xayndaabka safaaradda oo ku yaalla aagga aadka loo ilaaliyo ee Aagga Cagaaran, kaas oo ku yaalla badhtamaha Baqdaad, isla markaana hoy u ah xarumaha dowladda Ciraaq iyo safaaradaha shisheeye.
Ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, mana cadda haddii ay jiraan khasaare naf iyo maalba leh.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq ka kacaya gudaha xarunta safaaradda kaddib weerarka. Wariyaha Maxamuud Cabdul Waaxid, oo Aljazeera uga soo warramayay Baqdaad, ayaa sheegay in aan weli la shaacin khasaaraha dhabta ah ama tirada dadka ku waxyeelloobay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tilmaamay in kooxaha hubeysan ee xidhiidhka la leh Iiraan ee ka hawlgala gudaha Ciraaq ay hore ugu gooddiyeen inay weerari doonaan xarumaha iyo danaha Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Baqdaad. Kooxahan ayaa sheegay inay ka aar-gudanayaan dilkii hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, kaas oo la sheegay in lagu dilay isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa duqeyn ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil bilowgii dagaalkan ka socda Bariga Dhexe.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxahan hubeysan ay dhowaan ku dhawaaqeen abaal-marin dhan 100,000 oo doollar oo la siinayo cid kasta oo bixisa xog ku saabsan diblomaasiyiinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Ciraaq. Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda ay hadda gabaad ka dhiganayaan guryo rayid ah.
Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee lagu qaado safaaradda Maraykanka ee Baqdaad tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socda gobolka. Jimcihii, safaaradda ayaa cusboonaysiisay digniinta amni ee heerka ugu sarreeya ee Heerka Afraad, iyadoo muwaadiniinta Maraykanka uga digtay khataraha ka iman kara weerarro ay geystaan Iiraan iyo kooxaha ay taageerto.
Xarunta safaaradda Maraykanka ee Baqdaad oo ka mid ah xarumaha diblomaasiyadeed ee ugu waaweyn dunida, ayaa hore dhowr jeer loogu qaaday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.













