Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha layn ee laga leeyahay Iran Israa’iil iyo areykanka, kuwaas oo lagu qaaday warshadaha tamarta ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraatka Carabta.iyo kuwa Iran.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ficilladani ay ka mid yihiin “xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” isla markaana ay khatar ku yihiin ammaanka iyo xasilloonida Caalamka.
“Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa midnimadeeda buuxda iyo taageerada ay u hayso dowladaha iyo shacabka Islaamka Sida, Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraatka Carabta iyo Iran Waxayna taageersan tahay tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda iyo badbaadada muwaadiniintooda iyo dadka ku nool dalalkooda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ku baaqday in la yareeyo xiisadda, lana bilaabo wadahadal, si loo ilaaliyo marinada tamarta ee lagama maarmaanka u ah xasilloonida caalamka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa ka shaqeynta la-hawlgalayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo horumariyo nabadda loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta,” ayaa lagu daray qoraalka.
Iiraan ayaa weerarro ballaaran ku qaaday kaabayaasha gaaska ee Sacuudi Carabiya iyo qaar kaloo kamid dalalka Khaliijka, kuwaas oo sii huriyay xiisadda u dhexeysa Tehran iyo Waddamadaas. Sacuudiga ayaa cambaareeyay weerarrada, iyadoo sheegtay in kalsoonidii yarayd ee Iran ka dhaxeysay ay gebi ahaanba burburtay kadib markii ay weerarro waaweyn ku qaaday kaabayaasheeda tamarta.













