Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka JSP Cabdicasiis Lafta Gareen oo iska Casilay Xilkii iyo Xubinimadii Ururka uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

0
515

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii iyo Xubinimadii Urur siyaasadeedka uu Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo hore uga ahaa guddoomiye ku xigeen.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Inkastoo aan si faahfaahsan loo shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya iscasilaadda, haddana Lafta-gareen ayaa si cad u muujiyay mowqifkiisa ku aaddan arrimaha dastuurka iyo siyaasadda dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay hal dastuur oo kaliya, kaas oo ah Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurkaas iyadoo aan loo marin habraacyadii sharciyeysan ay yihiin sharci-darro.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Federaalka iyo dowladdiisa, isagoo ku tilmaamay inay ku hawlan yihiin tallaabooyin halis gelinaya midnimada dalka.

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay wado qorsheyaal horseedi kara kala qeybsanaan, isla markaana ay abuureyso maleeshiyaad aan si rasmi ah loo aqoon oo amni darrada ka abuuraya deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu si degdeg ah isugu yeero Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo uu sheegay inuu hore u kala diray, si looga wada tashado arrimaha doorashooyinka dalka.

Wuxuu ku adkeeyay in shirkan lagu qabto meel dhexdhexaad ah oo amni leh, kahor taariikhda 14-ka Abriil.