Kulan ku Saabsan Dhismaha Gudiga Qaran ee Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadannimada oo Muqdisho ka Dhacay.

0
190

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray dhismaha Guddi Qaran ee hirgalinta Xeerarka Caalamiga ah ee Xilliga Dagaalka.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen khubarro ka socotay Hay’adda ICRC, mas’uuliyiin dowladeed iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa lagu falanqeeyay qaab-dhismeedka, waajibaadka iyo doorka guddiga iyadoo la isla lafa-guray habraacyada ugu wanaagsan iyo waayo-aragnimada dalal kale.

Xoghayaha Joogtada oo xusay in Soomaaliya qayb ka aheyd waddamada adduunka kuwii ugu horreeyay xilligii gumeysiga kadib saxiixay heshiiska caalamiga ah ee Geneva Convention, asaga oo tilmaamay in saxiixaas uu ka dhalanayo waajibaad ballaaran oo saaran Dowladda, kuwaas oo lagama maarmaan ka dhigaya in si nidaamsan oo waafaqsan sharciga loo qaabeeyo loona hirgeliyo, si ay u noqdaan waajibaad qaran oo si buuxda loo fuliyo.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Joogtada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Hay’adda ICRC doorkeeda ku aaddan kulanka ayaa tilmaamay in fulinta waajibaadkaas aysan ku koobneyn hay’ad gaar ah, balse ay u baahan tahay wada shaqeynta dhammaan hay’adaha dowladda, si loo dhiso hannaan wax ku ool ah oo lagu xaqiijin karo ujeedooyinka la hiigsanayo.