Shirkadda dekedaha iyo saadka ee DP World oo laga leeyahay Dubai ayaa sheegtay in hawlaheeda ay si caadi ah uga socdaan dekedda Berbera ee Somaliland, iyadoo sheegtay in ay ku shaqeynayso heshiisyadii horey u jiray, inkastoo ay jiraan xiisado goboleed oo ka dhashay colaadda sii kacaysa ee dalka dariska...
Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS) Redwan Hussein ayaa booqasho lama-filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka jira Geeska Afrika.
Redwan Hussein ayaa fariin gaar ah oo uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u buriyay ama u baabi'iyay dhamaan heshiisyadii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku joogtay gudaha dalka Soomaaliya.
Heshiisyada Xukuumadda Soomaaliya ay ka laabatay ama burburisay waxaa ku jira heshiisyada Imaaraadka Carabta ay ku joogan dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo oo ka kala...
Wafdiyo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Laascaanood, caasimadda maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyagoo horudhac u ah safar uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaaladaas dhamaadka toddobaadkan.
Wafdiga gaaray Laascaanood, oo ka kooban xubno xildhibaano, wasiirro ah, oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Gen Fartaag iyo Taliyaha...
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa mar kale xaqiijiyay in dalkiisu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo dhulkeeda, isagoo si cad uga hor yimid isku day kasta oo lagu doonayo in “Somaliland” ay iskaashi la yeelato Taiwan si ay u raadiso gooni-isu-taag.
Wang...
Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Greenland ayaa Jimcihii si wadajir ah u diiday hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo muujinayay in Washington ay qaadi karto tallaabooyin ku wajahan la wareegidda jasiiradda ku taalla Arctic-ga, iyaga oo sheegay in mustaqbalka Greenland uu go’aamin karo oo keliya shacabka Greenland.
War-saxaafadeed wadajir...
Puntland ayaa ka digtay safarka uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagayo magaalada Laascaanood ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu uga qeybgalayo caleemo-saarka madaxweyne Firdhiye.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu...
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan safarkii ugu horreeyay ku tago magaalada Laascaanood, ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari sida ay inoo sheegeen ilo ka tirsan madaxtooyada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Booqashadan ayaa imaanaysa toddobaadyo kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, waxaana loo arkaa tallaabo ay...
Soomaaliya ayaa heshay taageero milatari oo culus kadib markii Turkiga, Masar iyo Serbia ay u direen hub iyo qalab ciidan oo casri ah, taasoo sare u qaadaysa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli ay wajahayaan culaysyo amni iyo diblomaasiyadeed oo isa soo taraya.
Saraakiil sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya...
Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u faahfaahisay sababta dib-u-dhaca ku yimid booqashadii la qorsheeyay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, oo lagu waday inuu 9-ka Janaayo soo booqdo magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa sheegay in go’aanka dib-u-dhigista booqashada uu ka dhashay isbeddel...


















