Xukuumadda iyo Godoomiyeyaasha Puntland oo Madaxweyne Dani isku Shaandheyn ku Sameeyey.

0
360

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha gobollada Puntland iyo hay’adaha kale ee dowliga ah, sida lagu shaaciyay wareegto goor dhowayd ay faafisay madaxtooyada Puntland.

Liiska wasiirrada cusub ayaa ka kooban 43 xubnood oo loo kala magacaabay wasaarado kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin cadaaladda, arrimaha gudaha, caafimaadka, qorshaynta, warfaafinta iyo kalluumaysiga. Waxay magacaabistooda ku ssoo beegantay iyadoo ay tahay markii ugu horraysay muddo 2 sano iyo dheeraad kaddib uu madaxweyne Deni isbedddel ku sameeyo xukuumaddiisa.

Madaxweyne Deni ayaag golihiisa wasiirrada kusoo daray xubno kasoo jeeda Gobolka Sool, kuwaas oo xilal kasoo qabtay maamulkii hore SSC Khaatumo. Waxaa kamid ah wasiirkii hore ee warfaafinta SSC, Khaatumo, Najiib Barkhadle

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay masuuliyiin kale oo ay ku jiraan la taliyaaha madaxweyne dhinaca amniga, xisaabiyaha guud ee dowladda iyo guddoomiyaha bangiga Puntland.

Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha gobollada Puntland, oo ay ku jiraan Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag iyo Karkaar.

Magacaabistan cusub ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee Puntland, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay xukuumaddu u wajahdo duruufaha adag ee ka jira deegaannada maamulka.

Liiska Golaha wasiirrada

Cabdurashiid Barqadle Warsame – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta
Cabdi Hirsi Cali Qarjab – Wasiirka Arrimaha Gudaha
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole – Wasiirka Caafimaadka
Barre Yuusuf Faatax – Wasiirka Qorshaynta
Cabdiftaah Ugaas Yaasiin – Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada
Hodan Siciid Xasan – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
Farxaan Cali Hirsi – Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Siciid Cali Jaamac Qorsheel – Wasiirka Xannaano Xoolaha iyo Daaqa
Caydaruus Axmed Faarax – Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
Maxamed Cabduqaadir Doonyaale – Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Cabdinasiir Yuusuf Xaaji Hirsi – Wasiirka Gargaarka
Cumar Cabdisamad Yuusuf Duux – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Maxamuud Caydiid Dirir – Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

Wasiir Ku-xigeennada

Axmed Maxamuud Axmed Qahiye – Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta
Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud – Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda
Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax – Amniga iyo DDR
Axmed Yaasiin Saalax – Maaliyadda
Axmed Maxamed Bulhan – Maaliyadda
Maxamed Xasan Siciid – Qorshaynta
Musaddaq Maxamed Musaddaq – Waxbarashada
Maryan Cusmaan Axmed Fangase – Caafimaadka
Inj. Maxamed Cali Ismaaciil – Dekedaha
Bile Maxamuud Axmed Qabowsade – Warfaafinta
Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi – Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Xasan Jaamac Ismaaciil – Xannaano Xoolaha iyo Daaqa
Cabdiraxmaan Khaliif Faarax – Tamarta iyo Macdanta
Maxamed Siciid Saalax – Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
Axmed Siciid Qolombi – Beeraha iyo Waraabka
Riyaad Axmed Cali – Gargaarka
Maxamuud Maxamed Daad – Dhalinyarada iyo Isboortiga

Wasiiru-dawlayaasha

Faarax Maxamuud Aw Cismaan – Madaxbannaaneynta, Qurba-joogta iyo Dib-u-dejinta
Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan – Hawlaha Guud iyo Guryeynta
Maxamed Maxamuud Cismaan – Maaliyadda
Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan – Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga
Cali Maxamed Cismaan – Caafimaadka
Inj. Maxamed Ciise Lacale – Duulista Hawada iyo Garoomada
Cabdiqani Axmed Ismaaciil Dheero Dile – Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Maxamed Cabdicaafi Maxamed – Xannaano Xoolaha iyo Daaqa
Siciid Maxamed Awaare – Beeraha iyo Waraabka
Ambassador Maxamed Axmed Cawil – Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
Najiib Barqad Warsame – Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Muqtaar Axmed Oday – Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
Axmed Ibraahim Cawaale Biid – Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

Guddoomiyayaasha

Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax – Guddoomiyaha Gobolka Bari
Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan – Guddoomiyaha Gobolka Karkaar
Cali Xuseen Maxamuud Soomaali – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
Maxamed Faarax Ciise – Guddoomiyaha Gobolka Haylaan
Muuse Saalax Guuleed – Guddoomiyaha Gobolka Raas Asayr
Cabdiqaadir Ismaaciil Samatar (Fod-Cade) – Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
Cabdiweli Jibriil Bayle – Guddoomiyaha Gobolka Mudug.