Tuesday, August 4, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa si rasmi ah u beeniyay warar ku faafay baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya in Baasaaboorka Soomaaliga la joojiyay loona diiday safarka dalka Masar. Diyaaradaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa si caadi ah u shaqeynayay Jimcihii, iyadoo aan la soo sheegin wax...
Maraykanka ayaa bilaabay mashruuc ballaarin ah oo lagu sameynayo garoon diyaaradeed oo ku yaalla saldhig ciidan oo ku yaalla Kenya, meel u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ku kacaya $70 milyan. Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Geeska Afrika. Saldhigga cirka ee Manda Bay, oo...
Ciidamada ammaanka Jubbaland ee ku sugan tuulada Baar Sanguuni ayaa galabtii Jimcaha gacanta ku dhigay laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidamada kadib markii ay ka goosteen kooxdaasi. Labada nin ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mustafa Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim, kuwaas...
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa heshiis ku kacaya €102 Milyan la saxiixday madax sare oo ka socotay Midowga Yurub (EU), gaar ahaan Xafiiska EU ee Soomaaliya iyo Xafiiska Xiriirka Caalamiga ah ee EU. Heshiiskan dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee ku kacaya  €102 Milyan ayaa ah mid qorshihiisu...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga laabatay oo baabi’isay waarankii xarigga ee horay loogu soo saaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Warqad kasoo baxday xafiiska Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankan uu ku saleysnaa dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay Axmed Maxamed Islaam, iyadoo la...
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay digniin sharci oo ku saabsan burburin ka socota dhulkeeda ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Sida ay Jaamacadda kusoo saartay war-saxaafadeed ayaa waxa ay ku sheegtay in falalka burburinta ah ee lagu hayo dhulka Jaamacadda, oo ay ku jiraan adeegyada ardayda iyo...
Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ay dano gaar ah oo dhaqaale awgeed uga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland. Waxay si gaar ah ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay faraha kala baxdo arrimaha Somaliland. Waxay sheegeen in Turkigu yahay...
Buugan waa Book Asbuucle ah oo Todobaaskiiba Mar Soo Baxa wuxuu kulminayaa Murashaxiinta Madaxweyne ee Sanadka 2026 Sidoo kale Ururada Siyaasada Doorashada Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir ka Qeyb galay iyo Sidoo kale Shirkado ganacsi ee Hadii Rabto in aad ku Soo biirto waa Lagu soo Dhaweynayaa Hawl aad ku...
Rugta Ganacsiga ee dalka Qatar ayaa shalay oo Talaado ahayd martigeliyay wafdi ganacsi oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan. Wafdiga ayaa waxaa qaabilay Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Golaha Maamulka rugta Ganacsiga Qatar, Raashid bin Xamad Al-Cathba, waxaana kulanka...
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga jawaabayso hadalo dhawaan kasoo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Gudiga la socodka dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay hadalada kaaoo yeeray...