Tuesday, August 4, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, inkastoo ay jiraan khilaafaad ka dhex taagan Baarlamaanka Federaalka iyo diidmo ay muujinayaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga...
Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Soomaaliya, doorasho si gaar ah indhaha loogu hayay maadaama ay go’aaminayso jihada iyo hannaanka uu guddigu qaadi doono afarta sano ee soo socota. Doorashada Guddoomiyaha ayaa waxaa ku guuleysatay Dr. Maryan Qaasim Axmed, kadib...
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha CXDS, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Xil wareejinta ayaa u dhexeysay Taliyihii hore Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha cusub Janaraal Ibraahim...
La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in hubka sharci-darrada ah uu si sahlan ku soo galo gudaha Puntland, isla markaana ay jiraan ganacsato si gaar ah uga shaqeeya soo gelinta hubkaas, kuwaas oo awood u leh inay si degdeg ah u keenaan noocyo kala duwan...
Dowladda Finland ayaa beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in ay ka fiirsanayso wada-shaqayn toos ah oo ay la yeelanayso Somaliland, isla markaana ay u ololeyn doonto aqoonsiga Somaliland. “Qoraalka ku faafaya barta X ee lagu sheegay in uu ka soo baxay Finland waa been,” ayaa lagu...
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dowladood. Waxa uu ka tarjumaya heshiiskaan xiriirka qotada dheer ee...
Wasaaradda Beeraha, Kheyraadka Kalluumeysiga iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Yemen ayaa si kulul u cambaareysay tacaddiyada iyo xadgudubyada isdaba-joogga ah ee lagu hayo kalluumeysatada Yemen ee ka shaqeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ay ku eedeysay ciidamada Eritrea iyo maamulka Puntland, iyadoo ku tilmaantay falalkaas jebin cad oo...
Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojiyay xubno ka tirsan baarlamaanka inay soo xaadiraan, kadib markii lagu eedeeyay carqaladeyn ku sameynta fadhiyo wadajir ah oo labada gole ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargaisa) 28-kii Janaayo 2026. Xubnaha laga joojiyay ayaa lagu amray inaysan...
Amar la sheegay in laga soo saaray Madaxtooyada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu joojiyay diyaarado siday ciidamo ka tirsan ilaalada madaxda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la qorsheeyay in ay maanta ka dagaan magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay hor istaagtay in diyaaradahan...
Dowladaha Qatar, Urdun iyo Masar ayaa si adag u cambaareeyay weerarro Israa’iil ay ka geysatay Marinka Qasa, kuwaas oo ay ku tilmaameen jebin cad oo ka dhan ah heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaadhay bishii Oktoobar, iyagoo ka digay in falalkaasi ay halis gelinayaan dadaallada lagu doonayo xasilloonida. Qoraallo kala duwan...