Duqa Muqdisho Mungaab oo Weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Deni kana Digay Rabshado ka Dhaca Muqdisho.

0
5

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi  Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu hurinayo qalalaase iyo “rabshado siyaasadaysan” oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida Muqdisho.

Muungaab oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso nabadda iyo isu socodka caasimadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay cabbiraan aragtidooda siyaasadeed si waafaqsan dastuurka.

“Qof walba wuxuu leeyahay xorriyadda fikirkiisa iyo aragtidiisa, balse lama oggolaanayo in magaca siyaasadda lagu dhaawaco nabadda magaalada ama lagu dhibaateeyo shacabka,” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan “kooxo rabshado wada” oo uu ku eedeeyay inay doonayaan in Muqdisho dib loogu celiyo xaalado amni darro iyo qalalaase siyaasadeed.

“Muqdisho waa muraayadda dalka, Haddii ay nabad noqoto, Soomaaliya oo dhan ayay saameyn wanaagsan ku leedahay, haddii ay dib u dhacdana dalka oo dhan ayuu saameynayaa,” ayuu yiri Muungaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay cirka isku shareereen xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Mucaaradka xubnaha ugu waa weyn ay ku jiraan iyadoo 4ta Bisha soo socota u balamay inay Muqdisho ku qabtaan banaanbax ay kaga soo horjeedaan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.