Maxkamadda Sare ee Federalka Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Natiijada Doorashadii ka Dhacday Maamulka Koonfur Galbeed.

0
7

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed (KGS), kadib fadhiyo is xigxigay oo ay ku eegaysay dacwado iyo hannaanka doorashada.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka la xiriira qaabka doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta u dhaxeysa hay’adaha doorashada iyo dhinacyada siyaasadda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay tixgelisay Dacwado la xiriiray habraaca doorashada, Qoraallo iyo cabashooyin loo gudbiyay iyo Warbixinno ay soo gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka, Kadib, waxa ay go’aamisay in natiijada doorashada Koofnur Galbeed ay tahay mid waafaqsan sharciga dalka, isla markaana ay mudan tahay in si rasmi ah loo aqoonsado.

Sida ku xusan dukumintiga kasoo baxday Maxkamadda ayaa lagu ayiday dhammaan maclumaadkii ay gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka sida in doorashada Koonfur Galbeed ay ka qeyb galeen Tiro codbixiyeyaal oo gaaraya 132,430, waxaana Codadka la ansaxiyay uu noqday 128,276 waxaana kuwa la diiday ee Codadka xumaaday ay noqdeen 4,154 iyadoo
Tirada guud ee goobaha sanaadiqda la dhigay ay ahaayeen 298 goobood.

HALKAAN HOOSE KA EEG BAYAANKA MAXKAMADDA KASOO BAXAY IYO QAABKA ANSIXINTA U DHACDAY.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Koonfur Galbeed SoomaaliyaMaxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya