Sunday, November 1, 2026
WAR-SAXAAFADEED Taariikh:  10/July/ 2026                                                       Muqdisho, Soomaaliya Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed (MDD) wuxuu soo dhaweynayaa wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Dowladda Federaalka...
Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay nooca doorasho ee uu u arko in Soomaaliya ay kaga gudbi karto marxaladda siyaasadeed ee hadda lagu jiro, kaddib markii uu ka qayb galay wareegga labaad ee wada-hadallada doorashooyinka ee Muqdisho uga...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha. Heshiiska ayaa dhex maray Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ujeeddadiisu...
Iran ayaa weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsqday ku qaaday qaar kamid ah dalalka Khaliijka Carabta, kaddib markii Maraykanku habeenkii labaad oo xidhiidh ah duqaymo ka fuliyay gudaha Iran. Sida ay qortay Al Jazeera, siidhiga digniinta duqaymaha ayaa laga maqlay Baxrayn, halka Wasaaradda Gaashaandhigga Kuweyt ay sheegtay...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran uu "dhammaaday", isaga oo ku tilmaamay wada-hadallada Tehran "waqti lumis". Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Maraykanku xaqiijiyay inuu qaaday weerarro uu ku tilmaamay kuwo "xooggan" oo lala beegsaday badhtilmaameedyo ku yaalla Iran, isagoo sheegay in...
Kulan ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ku lahaayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo la isku raacay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada lagu dejinayo xiisadda ka taagan magaalada. Sida laga soo xigtay ka qaybgalayaasha, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray adkaynta...
Soomaaliya ayaa martigelisay shir heer sare ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska isu socodka xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD, xilli ay dowladda federaalku dadaal ugu jirto xoojinta isdhexgalka gobolka iyo fududeynta isu socodka dadka. Shirkan oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho kana socon doona muddo saddex...
Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu kala diray maamulkiisii rayidka ahaa ee Marinka Qasa, isaga oo sheegay inuu awoodda ku wareejinayo guddi farsamo oo ay taageerayaan Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee Maraykanku dhexdhexaadiyay. Masuul ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in shaqaalaha farsamada iyo kuwa...
Taliska Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in askar iyo gaadhi ciidan ay uga goosteen dhinaca Somaliland. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada oo ku taariikhaysan 6-da Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in wararka lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada ay yihiin "warar been abuur ah"...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka uu si tartiib ah uga guurayo nidaamkii ku salaysnaa siyaasadda shaqsiyaadka iyo awood-qaybsiga qabiilka, isla markaana uu u socdo hannaan cusub oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed iyo doorasho qof iyo cod ah. Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabadda caleemasaarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka...