Dawladda Islaamiga ah ee Iran oo Weeraro Gantaalo iyo Diyaarado aan Duuliye Laheyn ku Qaaday Qaar kamid ah Dalalka Khaliijka.

0
29

Iran ayaa weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsqday ku qaaday qaar kamid ah dalalka Khaliijka Carabta, kaddib markii Maraykanku habeenkii labaad oo xidhiidh ah duqaymo ka fuliyay gudaha Iran.

Sida ay qortay Al Jazeera, siidhiga digniinta duqaymaha ayaa laga maqlay Baxrayn, halka Wasaaradda Gaashaandhigga Kuweyt ay sheegtay in ciidamadeeda difaaca cirka ay ka hortagayeen gantaallo iyo diyaarado daroon ah oo Iran soo riday.

Dhanka kale, qaraxyo ayaa laga maqlay magaalooyin ku teedsan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bushehr, Chabahar, Bandar Abbas, Sirik, Jask iyo Jasiiradda Abu Musa. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ugu yaraan hal qof lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Iranshahr.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in weerarrada cusub ay yihiin “aargoosi” looga jawaabayo weerarro uu ku eedeeyay Iran inay ku qaaday maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz.

Dhinaca kale, hoggaamiyihii sare ee Iran, Ali Khamenei, ee dhawaan la dilay, ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaaladiisii Mashhad, kaddib markii malaayiin qof ay ka qaybgaleen baroordiiqyo iyo aaska hordhaca ah ee ka dhacay magaalooyinka Najaf iyo Karbala ee Ciraaq.