WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 10/July/ 2026 Muqdisho, Soomaaliya
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed (MDD) wuxuu soo dhaweynayaa wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka aragti duwan hannaanka doorashooyinka ay dowladda hadda jirta ka hirgelinayso gobollada iyo degmooyinka dalka.
Ururku wuxuu aaminsan yahay in hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ay tahay tallaabo muhiim u ah horumarinta dimuqraadiyadda, iyadoo si buuxda loo ilaalinayo xuquuqda beelaha Soomaaliyeed, haweenka iyo dhammaan qaybaha bulshada.
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa inuu ka soo horjeedo siyaasad ku dhisan dano shaqsiyeed ama qofaysi, isla markaana uu si buuxda u taageersan yahay nidaamka xisbiyada badan iyo tartan siyaasadeed oo xor, xalaal ah, daahfuran, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Sidoo kale, Ururku wuxuu soo dhaweynayaa aragtiyaha iyo talooyinka ay soo bandhigeen garabka uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Ururku wuxuu rumeysan yahay in fikradaha wax dhisaya ee ay soo jeediyeen dhinacyadaasi ay wax weyn ka tari karaan tayeynta hannaanka doorashooyinka iyo dhismaha is-afgarad qaran oo waara.
Dhanka kale, Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dhinacyada kale ee soo bandhigay aragtiyo kala duwan inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta Qaranka Soomaaliyeed, mudnaantana siiyaan wada-hadal, isu tanaasul iyo heshiis siyaasadeed oo Soomaaliyeed. Ururku wuxuu ku baaqayaa in laga baaqsado faragelin shisheeye ama dhexdhexaadin dibadeed oo dhaawici karta madax-bannaanida iyo go’aan qaadashada Soomaaliyeed, iyadoo xalalka lagu raadinayo gudaha dalka.
Ugu dambayn, Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka inay si qoto dheer u fahmaan xaaladaha adag ee amni, siyaasadeed iyo kuwo goboleed ee dalka ku xeeran, isla markaana ay garwaaqsadaan in midnimo, wadajir iyo is-afgarad qaran oo dhab ahi yihiin waddada keliya ee looga hortagi karo shirqool kasta ama caqabad kasta oo lid ku ah jiritaanka, xasilloonida iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Guddoomiyaha
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed (MDD)
Cali Maxamed Nuux (Timajilic)





