Sunday, April 26, 2026
Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la soo Af-jaray Howl-galkii Xeebta LIIDO, halkaasoo ay xalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka oo socday muddo 10-saac ah, ayaa waxaa ku dhintay 25-ruux oo ay afar ka mid ah yihiin xoogagii weerarka ku qaaday baar Liido Sea Food, iyadoo...
Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa maanta cambaareysay maanta qaabka loo Musaafurinayo Dadka Ajaanibta ah ee Dalka Itoobiya ka soo jeeda, iyagoo xusay inaanay habooneyn in si wadar ah dadkaasi loo mustaafuriyo. Hay’adda Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa hadalkaan ku sheegtay War-saxaafadeed ay soo saartay, wuxuuna u qornaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Insaanku...
Mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ayaa maanta booqan doonaan dalka Burundi, si ay u dhiirri-geliyaan wadahadallada nabadda iyo in ay isku dayaan soo af-jarida rabshadaha ka aloosan dalkaas. Qorshaha Madaxweyna Burundi, Pierre Nkurunziza ee ahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada dalkaasi ayaa bishii Abriil ee sannadkii...
Al-shabaab ayaa soo Ban-dhigtay Maanta Sawirrada Gaadiidkii ay ku gubeen iyo kuwii ay ka Qabsadeen weerarkii ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaana Saawirradan ku jira qaar ka mid ah Askartii Kenyanka ah ee ay Gacanta ku dhigeen iyagoo nool. Gaadiidka...
Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana looga hadlay Qodobbo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; Weerarkii Al-shabaab ay ku Qaaday Jimcihii lasoo dhaafay Saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo. Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirrada Amniga Somalia oo...
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane, wasiiro, xildhibaanno, safiirka dalka Jabuuti, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin ka kale oo ka kala tirsan labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Beledweyne uga Qayb-galay Munaasabad lagu Sagootinayay Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidammada...
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in go’aanka ugu dambeeyay ee habka doorasho ee dalka ka dhacaysa lagu gaari doono degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe in la isugu soo laaban doono Shirar kale, isla markaana la gaari doono heshiis...
Shirkii Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Degmada Jowhar ka socday oo wali hakad ku jira, ayaa waqtigaan u muuqda mid galay marxaladdii ugu adkeyd, kaddib markii ay lasoo darseen caqabado saameyn adag ku yeeshay sii socoshada shirka. Shirka oo markii horeba ay ku gacan-seyreen qaar ka mid...
Maxkamad ku taalla Degmada Gaarisa ee Kenya ayaa waxaa maanta lasoo taagay 11-qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay Kenya ku galeen si sharci-darro ah. Garsooraha maxkamadda, Margaret Wachira ayaa sheegtay in dadka noo isugu jira sagaal rag ah iyo laba dumar ah ay Kenya kusoo galeen sifo...
Weerar iyo Qarax lagu Qaaday Maanta Jaamacad ku taalla Woqooyi-galbeed dalka Pakistan ayaa lagu dilay in ka badan 25-qof, iyadoo 50-ruux in ka bandanna lagu dhaawacay, sida ay sheegeen ilo-wareeydo caafimaad iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Pakistan. Jaamacadda Bacha Khan oo ku taalla magaalada Charsadda ayaa waxaa saaka aroortii hore...