Xaaladda Magaaladda B/weyne oo ay ka hadleen Odayaasha dhaqanka Hiiraan/ugaas Xasan ugaas KHaliif.

0
569

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xaaladda cakiran ee ka taagan Magaalada Beledweyne, isagoo sheegay in shacabka ku nool Magaalada Waqtigaan la joogo u dhaxeeyaan Sida uu yiri Xabbad iyo Fatahaad.

Sidoo kale, Ugaaska oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu jira oday-dhaqameed, waxgarad, cuqaal iyo qaybaha Bulshada, ayuu ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan Wax jawaab ah ka bixin xaalada ay wajahayaan dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Ugaas Xasan, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya oo kaliya ilaa iyo hadda ay wafuud u soo direen Gobolka bal si ay u qiimeeyaan Xaaladda ka jirta Magaalada, laakiin illaa iyo hadda aysan jirin cid kale oo arinta xiriir kala soo sameysay.

warsom2011@gmail.com

beco2salaam bankttara