Toddoba ka tirsan ciidamada Kenya oo ka Haw-lgala Deegaanka dhirta badan ee Boni oo ka tirsan deegaanada xeebta dalka Kenya ayaa dhintay, kaddib markii Gaarigoodii ay la kacday Miino ay Waddada dhinaceeda ku Aaseen Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Deegaanka Kiunga oo ka tirsan deegaanka Lamu ee xeebta Kenya.
Deegaanka Kaynta...
Warbixin cusub oo sanadle ah oo ay maanta baahisay Hay’ada Transparency International ayaa Waddamada Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi & Afghanistan ku tilmaantay Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka oo dhan.
Hay’adda ayaa warbixiinteeda ku xustay inay Warbixintan soo ururiyeen Khuburo ka kala socda Adduunka Daafihiisa, kuwaasoo Cabirayay Heerka Musuq-maasuqa Dhaqaalaha ay dowladuhu maamulaan.
Khuburadan...
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa saaka aroortii hore isaga baxay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, halkaa oo ay ku lahaayeen saldhig miilitari.
Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa degmagaasi Al-shabaab kala wareegay 02-dii bishii Febraayo sanaddii 2012.
Gudoomiyaha gobolka...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan oo wafdi uu hoggaaminayo ay Magaalada Baqdaad uga Qayb-galeen Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka; ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha baarlamaannada; Iraq, Turkey iyo Pakistan.
Kulankii u horreeyay ayuu la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Pakistan Sardar Ayaz Sadiq iyadoo kulankaasina looga wadahadlay Abuuridda iskaashi...
Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa maanta kusoo dhaweeyay Muqdisho Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Sweden, Brig-General Stefan Andersson oo ku yimid booqasho Muqdisho. Labada taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay dhismaha Wasaarada Gaashaandhigga Somalia, ayaa ka Wada-hadlay xoojinta Taageerada ay Xukuumadda Sweden siiso Ciidanka...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid iyo Guddoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa si isku mid ah uga hadlay geeridii maanta ku timid marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, oo isla manta lagu aasay Muqdisho.
MADAXWEYNA: Cabdi X. Goobdoon wuxuu ahaa hawlkar taariikhdu xusi...
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Urdun kaga Qayb-galay shir madaxeed gaar ah oo arrimaha Amaanka iyo argagixisada looga hadlayay.
Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda kasoo Qayb-gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, RW dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi...
Dawlada Kenya oo sheegtey in ay ciidamo dheeraad ah u direyso Soomaaliya kadib dagaalkii Ceel Cadde.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidammo dheeraad ah ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka qaadanaya Hawl-gallada lagu raadinayo ciidamadii Keenyaanka ahaa ee lagu waayay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday saldhigga Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Taliyaha ciidamada KDF-ta Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa ku tilmaamay ciidamada ay u...
Guddi ay dowladda Kenya u magacawday inay baaraan weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee deegeenka Ceel-caede ee Gobolka Gedo todobaadkii hore, ayaa ku eedeeyay beesha Mareexaan inay ka geysatay gacan weerarkaasi oo kooxda Al-shabaaab ay ku qaadday saldhiggaas. Sida uu baahiyay Wargeyska the Standard ee kasoo baxa Kenya,...
Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa iska diiday in waddankiisa ay kusoo wajahan tahay cabsi laga qabo cuno-yaraan, kaddib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in abaaraha iyo dabeysha El Nino ay Waddamada Bariga Afrika ku sababeen in Mallaayiiin qof ay u baahdaan gar-gaar bani'aadamnimo Caalami ah. Roobabka dabeylaha wata...


















