Monday, August 3, 2026
Ciidanka Amaanka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Gacan-ku-dhiigle oo meelo Magaalada Hargeysa ka tirsan ka geystay Dilal kala duwan ka geystay, isla markaana sharciga la horgeyn doono. Afhayeenka Ciidamada Booliiska Somaliland, Jen. Faysal Xiis, ayaa sheegay inay qabteen Ninkii Xaafadda Isha Boorama ee Degmada 31-ka May ee...
Axadda Maanta ah oo la filayay inuu Muqdisho ka furmo Kal-fadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kaddib markii Madaxweynaha Somalia oo furi lahaa - uu ku mashquulay furitaanka Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka 2016-ka. Guddoomiyaha baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa...
Roobab ma hiigaan ah ayaa ka da’ay deegaanno badan oo ka Tirsan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle oo ay ka jireen Waqtiyadii lasoo Dhaafay Xaalad Abaareed oo aad u daran, kuwaasoo kumannaan qoys oo gobollo kala duwan kasoo yimid ay yaga iyo xoolahooda nolol u soo raadsadeen. Degmada Xuddun oo...
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia , ayaa Muqdisho lagu siiyay Tababbar ku Saabsan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen hay’adaha Samafalka ah ee Somalia ka hawl-gala si gargaarada bani’aadamnimo loo gaarsiiyo shacabka u baahan. Tababbarkaan oo toddobaadkan la qabtay ayaa socday muddo laba maalmood ah, Waxaana...
Nin lagu sheegay inu Soomaali yahay ayaa lagu tuhmayaa in Xaaskiisii iyo Saddex Carruur ah oo ay u dhashay uu ku dilay Deegaanka Tsakane ee ku taalla dulleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Falkaan, ayaa yimid kaddib markii qoysaskii dariska la ahaa qoyskaan ay maalmo waayeen inay arkaan xubnaha...
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, shan ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax goor-dhow lala eegtay maqaayad laga cunneeyo oo ku taalla agagaarka isgoyska Beexaani, degmada Shibis ee Gobolka Banaadir. Wararka hor-dhaca ah ee kasoo baxaya Weerarkan ayaa waxay sheegaya in qaraxa uu ahaa is miidaamin si toos...
Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dib u Qabsaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaddib markii ay ciidankii Itoobiya ee AMISOM iyo kuwii Somalia oo Arbacadii la soo dhaafay Al-shabaab kala la Wareegay degmadaas ay isaga baxeen. Ciidankii  Itoobiya ee AMISOM ayay wararku sheegayaa inay dib ugu laabteen deegaanka...
Shirweynaha dib-u-hishiinta iyo Aayo-ka-tallinta Gobolka Hiiraan oo maalintii Toddobaad ka socda Magaalada Beledweyne, waxaana si is-daba-joog ah u soo gaaraya wafuud u badan odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha Somalia. Garoonka diyaaradaha Beledweyne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, kuwaa oo...
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Afaraad loo doortay Xilka Madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegay maanta inuu ku faraxsan yahay in shacabka reer Jabuuti ay mar kale isaga u doortaan xilka, iyadoo Musharraxiintii axsaabta mucaaradka ahaana ay natiijada doorashada kasoo baxday cabasho ka keeneen. Geelle, oo Xukumayay...
Xubnaha Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliyeed ee Puntland ayaa kasoo hor jeestey heshiiskii dhawaan ay ku kala saxiixdeen Dawladda federalka iyo dawlad goboleedka Puntland,waxeyna sheegeen in ay tahey mid aan la aqbali karin shacabka Puntlandna aan u cuntameyn. Xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga oo uu u hadley mas'uul diidey in magaciisa la...