Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa xalay ka qayb galay Dood ay soo qaban Qaabisay wasaarada dhalinyarada & isboortiga oo looga hadlayey sida ugu habboon ee dhallinyaradu shaqo looga abuuri karo, si looga hor-taga tahriibka iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.
Wasiirka ayaa waxaa...
Ugu yaraan 10-qof ayaa u dhintay cudurka shubanka oo ka dillaacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo isugu jiray Dad waa-weyn iyo carruur.
Guddoomiyaha degmada Baraawe, Xuseen Barre oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in cudurkan uu ka dillaacay degmada 25-kii bishii Abriil, Isbitaalka Degmadana la keenayo maalin...
Kulankii Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia ay ku yeesheen maanta Muqdisho oo uu shir guddoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen; hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab iyo xog-ururin ku saabsan sahminta Shidaalka Soomaaliya.
Waxaa ugu horreyn kulanka warbixin looga dhageystay Wasaarada...
Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, ayaa ku dhaawacmay maanta Is-rasaasayn dhex-martay ilaalada Taliyeyaasha ciidamada Birmad-ka iyo Booliiska Puntland, kuwaaso ku dagaallamay goob ay ka socotay tira-koob ciidan.
Dagaalkaan, ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay sagaal Askari oo ka mid ah ciidamada labada taliye Af-gaduud iyo Af-dalow oo kala Hoggamiya...
Shirka Baarlamaannada Afrika (Pan African) oo la qabto Sanad walba Afar jeer oo labo ka mid ah looga hadlo arrimaha Siyaasada iyo Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa maanta furmay kaasoo ay ka Qayb-galayaan Mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynihii Hore ee Mozambique, Madaxweyne ku xigeenka Sierra Leone, Saddex Guddoomiye baarlamaan...
Kenya ayaa sheegtay inay fashilisay Weerar Arga-gaxiso oo ay Damacsanaayeen in ay Dalkeeda ka geystaan Shabakad ku Xiran ISIS, Walow aysan sheegin magaca Shabakadda.
Booliska Kenya ayaa xabsiga dhigay laba haween iyo nin qabay midkood, iyadoo dhanka kalena abaal-gud lacageed dul-dhigtay laba nin oo kale oo baxsad ah.
War-saxaafadeed uu soo...
Wasaarada batroolka iyo macdanta xukuumadda Somalia oo kaashanaysa Shirkad Caalami ah ayaa Dhul-badeedka ku teetsan Koonfurta Soomaaliya waxay ka sameeyeen Xog-ururin ku saabsan Sahminta Shidaalka ee Somalia oo Maalin ka hor soo gaba gabowday.
Wasiirka wasaaradaasi mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim oo la hadlay HOL, ayaa faah-faahin ka bixiyay Arrinkaas oo...
Ururka Midowga Yurub ayaa si rasmi ah ugu taliyay inay Muwaadiniinta Turkiga loo ogolaado in Fiiso ama Dal-ku-gal la’aan ay geli karaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub.
Tallaabadaan, ayaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo heshiis Ururka Midowga Yuurb uu horey ula galay Xukuumadda Turkiga, kasoo ku saabsan Muhaajiriinta...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay xaflad lagu Dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka ee uu madaxweynahu magacaabay.
Xafladda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Maxakmadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Somalia, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha...
Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa wadaa inay ku yimaadaan Somalia socdaal bishan lagu jiro ee May, si ay u Taageeraan Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo daba-yaaqada sannadkan lagu jiro ee 2016-ka, sida uu sheegay safiirka Masar u fadhiya QM, ahna Madaxweynaha Bishaan ee Golaha Ammaanka,...


















