Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa kulan ay ku yeesheen maanta Muqdisho uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la dhisay 20-kii bishii Ogoosto ee Sannadkii 2012-kii. Iyadoo ay maanta ku eg-tahay xilligii jiritaankiisa oo Afar sano ahayd.
Kulanka ay xildhbaannadu Muqdisho ku yeesheen Muqdisho oo ahaa midkoodii ugu dambeeyay...
Maamulka Puntland ayaa maanta la gudoonsiiyay 40-gaari oo kuwa booliiska ah, waxaana gaadiidkan ku deeqday Hay’adda SSF, waxaana maamulka Puntland gaadiidka guddoonsiisay Hay’adda DDG.
Gaadiidkaan, ayaa loogu Deeqay Afar Degmo oo kala ah; Xarfo, Godob-jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku-shuban – Waxaana loogu talo galay in looga Shaqeeyo Arrimaha nabad-gelyada ee deegaanadaasi.
Madaxweyne...
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka Somalia, iyagoo ku boorriyay Dowladda Soomaaliya inay ku qabato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha xilliga cusub ee loo qabtay.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay ugu baaqeen shacabka inay Xukuumaddooda kala shaqeeyaan qabsoomidda doorashooyinka...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid ALLAHA u naxariistee marxuum, Jen. Maxamed Cali Samatar oo Jagooyin Sar-sare kasoo Qabtay Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, xalayna ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Jen. Cali Samatar oo waddanka ksoo noqday Madaxweyne...
Maanta ayay ku beegan tahay 20ka Agoosto waaana maalinta caalamka oo dhan loo asteeyay la dagaalanka kaneecada.
Kaneecada ayaa keenta ama gudbisa xanuuno badan sida cudurka duumada oo sanad walba dad aad u fara badan kulaaya caalamka. Maalintaan ayaa u dabbal dageeda lasoo bilaabay sanadkii 1897.
Waxaa sidoo kale maalintaan oo...
Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday gobolka Virginia ee Mareykanka.
Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa Allaha u naxariistee Soomaaliya kasoo qabtay xilal badan sida xilka Madax-weyne Ku-xigeenka, Raisul Wasaare iyo xilal kala duwan, ciidamada qalabka sida.
Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa...
-Qaxooti badan oo kasoo kala jeeda dalal Afrikaan ah oo xirnaa ayaa lasii daayay dalkaasi Masar.
Qaxootigaa oo ku xirnaa magaalada Alexandria ee dalkaasi Masar ayaa waxay kasoo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea. UNHCR ayaa xaqiijisay in dadkaas ay ugu diiwaan gashan yihiin sidii qaxooti oo kale.
Sidaa...
Xog-hayaha arimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry ayaa asbuuca soo socda lagu wadaa inuu Kenya soo booqdo.
Kenya ayaa ka mid ah 3 dal oo uu booqasho dhawaan kukala bixin doono John Kerry. John Kerry ayaa bishii 5aad ee sanadkii lasoo dhaafay sidoo kale mar soo gaaray Kenya.
Dalalka...
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa cambaareeyey falkii Ciidamada Nabadsugidu ku galeen Idaacadda SHabeelle kaas oo aan waafaqsaneyn Qaanuunka dalka u yaal,taas oo caddeyn u ah xadgudubka bulshada loo geysto mar walba.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Cali Maxamed Nuux timajilic oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in hey'adaha amnigu ay caadeysteen...
Cimraan Daqmiish oo ah wiil yar oo Suuriyaan ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn kadib markii gurigoodii lasoo duqeeyay oo uu ku dumay.
Dhowr iyo afartan daqiiqo kadib ayaa laga soo saaray asagoo nool oo dhaawac ah halkaa isbitaalna loola cararay.
Waxaa lala yaabay adkeysigiisa asagoo aan juuqna oran oohin iyo ilmo...


















