Xog-hayaha arimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry ayaa asbuuca soo socda lagu wadaa inuu Kenya soo booqdo.
Kenya ayaa ka mid ah 3 dal oo uu booqasho dhawaan kukala bixin doono John Kerry. John Kerry ayaa bishii 5aad ee sanadkii lasoo dhaafay sidoo kale mar soo gaaray Kenya.
Dalalka 3da ah ayaa waxaa ay kala yihiin Kenya oo aan soo sheegnay, Sacuudiga iyo Nigeria.
Kerry ayaa asbuuca soo socda markii uu yimaado Kenya waxaa lagu wadaa inuu madaxda Kenya kala hadlo arimaha gobolka gaar ahaan siyaasada Soomaaliya iyo xiisadaha colaadeed ee Koofurta Suudaan.
warsom2011@gmail.com








