Ciidamada booliska ee Muqdisho Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof qarax lagu dilay Muqdisho xalay.
Booliska ayaa xaqiijiyay in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay loo adeegsaday qaraxa kaasoo kasokow qofka dhintay maahee dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Ilaa afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay...
Idaacada Shabeelle ayaa xalay saacado hawada ka maqneyd kadib markii ciidamada NISA ay yimaadeen amarna kusiiyeen muumulka in la damiyo.
Mulkiilaha idaacadaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan NISA ay xalay halkaa yimaadeen ayagoo amar ku bixiyay in idaacada la xiro. Wuxuu intaa ku daray inay u sheegeen ciidamadaasi...
Kulankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee maanta oo uu shir-guddoominayay RW Xukuumadda Federaalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa waxaa looga Hadlay Qodobbo ay ka mid ahaayeen; Xaaladda Siyaasadeed ee dalka & daba-galka Hantida Qaranka.
RW Sharma'arke, ayaa wuxuu warbixin la xiriirtay Xaaladda Siyaasadda ee Waddanka u soo gudbiyay golaha wasiirrada, isagoo...
Munaasabad ballaaran oo si weyn u soo jiidatay Dhammaan ka Qeyb-galayaasha, isla markaana lagu soo Bandhigayay Hiddaha iyo Suugaanta Soomaaliyeed, ayaa Galabta lagu Qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Abwaanno, macalimiin, waalidiin Soomaaliyeed, iyo ganacsato ayaa kasoo qeyb-galay xafladdan oo noqoneysa tii ugu horeysay lagu qabto magaalada inta la...
Hawl-gallo lagu sugayo ammaanka ayaa ka bilowday Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib markay ku soo bateen Dadka wata Hubka iyo Gaadiidka bacaha madow ay muraayadaha ugu xiran yihiin, kuwaas oo Mas'uuliyiinta Puntland ay Amreen in lasoo Qab-qabto.
Waxaa hawl-galkan fulinaya ciidanka daraawiishta iyo kuwa amniga Puntland, waxaana shalay illaa maanta baaritaanno...
Khilaafkii in muddo ahba soo Jiitamayay ee ka taagnaa Shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe, ayaa hadda u muuqda mid waji kale yeeshay, kaddib markii odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sh/dhexe ku gacan-seyreen Qorshe Cusub oo DF Somalia ay u dajisay dadajinta dhismaha maamulka labada gobol.
Odayaal iyo waxgarad...
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa diiday in wada-hadal ay dabada ka riixayso Dowladda Federaalka Somalia la gasho maamul-goboleedka Galmudug, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Cabdllaahi Diirshe ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wada-hadal loo furayo iyaga iyo...
Qiyaas ahaan ayaa dalka Mareykanka waxaa loo ogolaaday inay soo galaan ilaa 30 kun oo qaxooti Muslimiin ah sanad maaliyadeedka dalkaa ee haatan socda.
Dadkaa ayaa tiradoodu cagacageyneysaa kala bar dhammaan qaxootigii loo ogolaaday in sanadkaan ay soo galaan Mareykanka. Badi qaxootigaa Muslimiinta ah waxay kasoo jeedaan dalalka Suuriya iyo...
Magaalada Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya ayaa waxaa laga mamnuucay xafladaha aroosyada ee socda ilaa saqda dhexe ee habeynkii.
Arinkaa ayaa waxaa maamulka magaaladaasi ku doonayaa in uu ku horumariyo ammaanka. Dhallin yaro yaryar oo wiilal ah ayaa la sheegay in dumarka xafladahaa taga ay dhibaateeyaan gaar ahaan...
G/sool magaalada Laascaanood oo uu maanta booqaho ku tagey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha S/LAND.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee dhawaan la magcaabay Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.
Wasiirka oo soodhoweyntii ugu balaadhnayd loogu sameeyey degaanka Guumeys oo 70KM. waqooyi kaga aadan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sidoo kale Wasiirka ayaa degaanadda Yagoori iyo Cadhi-cadeeye ay dadweynaha ku...


















