Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo cambaareeyey falkii ciidamada Nisa ku galeen Idaacadda SHabeelle.

0
480

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa cambaareeyey falkii Ciidamada Nabadsugidu ku galeen Idaacadda SHabeelle kaas oo aan waafaqsaneyn Qaanuunka dalka u yaal,taas oo caddeyn u ah xadgudubka bulshada loo geysto mar walba.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Cali Maxamed Nuux timajilic oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in hey’adaha amnigu ay caadeysteen in ay qaanuunka dalka iyo xuquuqda muwaadinka ay mar walba ku xadgudbaan,iyadoo ay fiicnaan laheyd in sharciga loo maro wixii hawl ciidamadu ay qabanayaan.

Waxaa lagu geli karaa dhismaha idaacada oo keliya iyadoo la heysto amar maxkamadeed,hadiise sidan la baneysto,waa dhiirigelin in burcad iska soo dhigto ciidamo amni isla markaasna ay dhacaan ama dilaan wixii ay doonaan,marka annagu waxaan leenahey hala dhawro qaanuunka dalka ayuu yiri God. timajilic.

Mahan markii ugu  horeysey ee Idaacadda SHabeelle la beegsado,waxaana tiro dhawr jeer ah dhibaato loo geystey madaxda iyo shaqaalaha idaacadda,waxaana ilaa hadda ka maqan Hanti iyo qalab idaacadu laheyd oo si sharci daro ah ay ku qaateen ciidamo ka tirsanaa nabadsugida qaranka soomaaliya.

warsom2011@gmail.combeccosalaam banktabaarak