Thursday, August 6, 2026
Al-shabaab ayaa ku Gooddisay inay sii wadayaan Weerarrada ka dhanka ah Maamulka Puntland, kaddib markii magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka geysteen Qaraxyo sababay dhimashada in ku dhaw 30-qof, ayna dhaawacmeen afartameeyo kale. Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weeraradii Axaddi ka dhacay Gaalkacyo ay la beegsadeen meeshii...
Xaflad ay ku qalin-jabinayeen boqolaal arday ah oo dhameystay wxbarashada Jaamacadda Modern University for Science and Tachnology (MUST) , ayaa ka dhacday Hotelka SYL ee Muqdisho, waxaa ka qayb-galay madax ka tirsan Dowladda FS, Jaamacadaha, Ururada bulshada, warbaahinta iyo maamulka Jaamacadda Modern. Ardaydn oo ah Dufcaddii Koowaad ee ka qalin-jebisay...
Waxaa Degmada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe gaaray ciidammo ka tirsan Booliiska Somalia oo sugi doona ammniga, gaar ahaan sidda ay saraakiisha hadalka u dhigeen madasha shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Saraakiisha ciidammadan hor kacaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taliska booliiska amar ku...
Wafdi u Hor-kacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo oo saaka lagu Aasayo dadkii ku dhintay labadii qarax ee shalay lagu weeraray xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo. Ciidamada Ammaanka ayaa aad u sugaya amniga wafdiga oo ay ku jiraan xubno ka tirsan wasiiradda iyo xildhibaanada Puntland,...
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in sidii dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen Al-shabaab. Axmed Madoobe oo ka Hadlayay Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in falkaas uu tusayo shacabka Soomaaliyeed inay Al-shabaab dan ka lahayn shacab iyo Dowladda, loona...
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedda Muqdisho kala soo daga Ganacsiyada kala duwan. Dr. Daahir ayaa xusay inaan loo dulqaadan doonin ganacsato Soomaaliyeed oo dalka keena waxyaabo waqtigooda dhacay. Cid walbo oo wax dhacay kasoo...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kaararka Aqoonsiga aysan sharci-darro ahayn, isla markaana ay qayb...
John Kerry oo ah Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa maanta booqasho ku jooga Kenya ayadoo uu la leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta wada hadalo. John Kerry iyo Kenyatta ayaa lagu wadaa maanta inay shir ku qabtaan madaxtooyada ayagoo la filaayo inay ka wada hadlaan arimaha ammaanka ee gobolka iyo doorashada...
Ciyaaraha olombikada ayaa lagu soo gabagabeeyay Brazil gaar ahaan magaalada Rio ayadoo lagu soo afmeeray xaflad si aad ah loo soo agaasimay. Ciyaarahaa ayaa waxaa marka xigta sanadka 2020 waxaa lagu qaban doonaa hadii Alle yiraahdo Tokyo Japan. Ciyaarahaa oo qaatay 16 maalmood ayaa waxaa kasoo qeyb galay 11, 303 cayaartooy...
Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa Daacish ku eedeeyay weerarkii qaraxa ee Sabtidii dalkaa ka dhacay inay ayadu ka dambeysay. Wiil yar oo 14 sano jir ahaa ayaa la xaqiijiyay inuu weerarkaa geystay asagoo ismiidaamshay. Dadkaa qaarkii ayaa tilmaamay inuuba ka yaraa intaa oo uu 12 sano jir ahaa wiilkaasi. Wiilkaa...