Dhul-gariir xoog leh ayaa Gil-gilay Bartamaha Dalka Talyaaniga, gaar ahaan Deegaan aan ka fogeyn Gobolkii uu bishii Ogoosto ee sannadkan uu ku dhuftay dhul-gariir dilay ugu yaraan 300- qof.
Qiyaasta dhul-gariirkan cusub, ayaa lagu sheegay inuu ahaa 6.6 Rector oo ah qiyaasta lagu cabiro dhul-gariirrada, mana jiraan dhimasho uu sababay...
Iyadoo dhawaantan la filayo in qeybo badan oo ka mid ah dalka oo ay ka mid tahay caasimada Muqdisho ka dhacaan doorashooyinka 2016, ayaa dhinaca kale waxaa jira wal wal soo baxaya oo laga qabo in Al-shabaab carqaladeeyaan howlaha doorashada.
Wasiirka wasaarrada arrimaha dibada Jabuuti Max'ed Cali Yuusuf ayaa muujiyay...
Ugu yaraan saddex askari ayaa dhimatay kadib markii israsaaseyn ay ku dhexmartay Baydhabo ciidamo ka wada tirsan kuwa dawlada.
Ciidamada ayaa arimo ku saabsan siyaasad isku maandhaafay ka hor intii aysan dirirtu dhexmarin.
"Ugu yaraan 3 askari ayaa dhimatay halka 4 kalena ay dhaawacmeen," C/fitaax Ibraahim Geesey oo ah wasiirka amniga...
Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in ciidammada Galmudug xoog ku soo furteen gabar ajnabi ah oo burcadbadeed Soomaali ah ku heysteen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.
Haweeneydan ay soo furteen ciidammada ayaa la sheegay in ay u dhallatay dalka Kenya, waxaana ay muddo dheer...
Madaxweyneyaasha Sudan iyo Kenya ayaa kulan ku leh Khartoum Sudan.
Waxay masuuliyiintaasi ka wada xaajoonayaan sidii dalalkooda khaasatan iyo dalalka Afrika oo dhan looga saari lahaa maxkamada ICC.
Madaxweyneyaashaa ayaa sheegay in ICC ay tahay hub lagula dagaalamo dalalka Afrika ayadoo si gaar ah u bar tilmaansata madaxda Afrika isla markaana...
Maamullada Puntland iyo Galmudug oo waayadii ugu danbeeyayba dagaal xoogan oo ku dhaxmarayay magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu waramayaa in galinkii danbe ee maalintii shalay is weydaarsadeen maxaabiis labada dhinac ku kala qabsadeen dagaallada.
Arrintan ayaa waxaa ku guuleystay oo ka soo shaqeeyay ganacsato iyo waxgarad ka soo kala jeedda labada...
Madaxweynaha dowladda Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka dalbaday baarlamaanka dalkiisa in dib loo soo celiyo xukunkii dilka ahaa, isaga oo taa uga gon leh in la ciqaabo dadkii ka danbeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishii July.
Waxaa uu ka dalbaday Erdogan mudanayaasha baarlamaanka dalkiisa in ay tixgaliyaan,islamarkaana hoose u eegaan...
Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa kawada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xoojin amniga Somaliland iyo Itoobiya, kaddib kulan ay ku yeesheen Addis Ababa.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dibadbaxyo rabshodo wata ay ka taagan yihiin xilligan dalka Itoobiya, kuwaasoo sababay in xukuumaddu...
Dawlada Kenya ayaa damacsan inay dadajiso dhismaha derbiga xadka kala dhexeeya Soomaaliya.
Kenya ayaa khaasatan damacsan dadajinta 30 km oo gidaarkaa ah si Al-Shabaab weeraradooda loo hakiyo. Saraakiil ka tirsan dawlada Kenya ayaa sidaa sheegay shalay Jimcihii.
Guddoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia ayaa warbaahinta u sheegay in gidaarkaa gebi ahaanba la...
Kadib markii asbuucii lasoo dhaafay xarakada Daacish ay qabsatay magaalada Qandala ayaa haatan waxaa halkaa ka bilowday barakac baahsan.
Dadka ku dhaqan Qandala ayaa isaga baxaya magaaladaa iyo deegaanada ku xeeran ayagoo ka baqaya in Daacish ay bartilmaansato ama dagaalo hadii halkaa ay ka dhacaan ay ku waxyeeloobaan.
Haatan ayaa barakacayaashii...


















