Dhowr qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duleedka Xarardheere kadib markii halkaa dad deegaan ah iyo xarakada Al-Shabaab ay ku dagaalameen.
Dadka dhintay ayaa 5 la sheegay in ay xarakada Al-Shabaab ka tirsanaayeen dagaalkaa oo dhacay shalay galab. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalku ka bilowday muran ku saabsan bixinta zako xarakada Al-Shabaab ay uruuriso.
Labada dhinac ee dagaalamay ayaan wali laga hayn faahfaahin ku saabsan khasaaraha guud ee dagaalkaa ka dhashay,wali lama xaqiijin wararkan sida wax uga jiraan,waxaana noo suuroobi weydey in aan la xiriirno dhinacyada ku dagaalamey degmadaas.
warsom2011@gmail.com









