Ururka Al-Qaacida ayaa qirtay in mid ka mid ah saraakiishooda sar sare oo lagu magacaabo Faaruuq Al Qaxtaani iyo qoyskiisa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ku dilleen W/bari dalka Afgaanistaan.
Xukuumada Washington dhinaca ayaa dilkan xaqiijisay 5tii bishan November, ayagoo ku tilmaamay in uu ahaa weerar si sax ah u dhacay oo halleelay bartilmaameedkii loogu tallagalay.
Ururka Al-Qaacida ayaa siddoo kale sheegay in sarkaalka lala dillay xaaskiisa, caruur uu dhallay iyo dagaalyahanno aan tiradooda la cayimin.
Maraykanka ayaa Al Qaxtaani, oo ah Sacuudi haysay dhalashada Qadar, ku daray liiska dadka uu aadka u doondoonayey, wuxuuna sheegay in lagu tuhunsanaa ku lug lahaanshaha weerarro la doonayey in lagu qaado Yurub iyo Maraykanka.
Ugu danbeyntii, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa inta badan bartilmaameesada saraakiisha sar sare ee ka tirsan Ururada islaamiga ah ee la tuhusan yahay, iyaga oo horay u dillay saraakiil ay sheegeen in siweyn loo doon-doonayay.
warsom2011@gmail.com









