Imaaraadka Carabta oo safaaradooda soomaaliya sarkaal ka tirsanaa Qarax lala eegtey.

0
545

Sarkaal ka tirsanaa illaalada Safaaradda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa Maanta lagu dilay Qarax lala eegtay Gaari uu watay oo marayay isgoyska Manaboolyo ee Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa xaqiijiyay in sarkaalkan gaari uu watay lala beegsaday Qarax, isaguna uu goobta ku Naf-waayay, gaariga oo noociisu ahaa kuwa raaxada ee loo yaqaan Kaarib.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Axmed Muumin ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qaraxa lagu diliay sarkaalkan loogu soo xirey gaariga. Iyadoo sarkaalkan uu dhaawac soo gaaray, kasoo uu mar dambe u geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in safaarada dublamaasiyiintii ka shaqeynayey ay intooda badan dalka isaga baxeen iyadoo ay jirto Xurguf soo kala dhex gashey madaxda labada dawladood Soomaaliya iyo tan Imaaraadka Carabta.

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo baaritaanno ka sameyay halkaas, inkastoo aysan jirin cid ay qabteen, mana jirto cid sheegatay in qaraxa ay ka tahay mas’uul.

Ugu dambeyn, Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid tahay Dowladaha ka siiya gacanta Dowladda Somalia dhismaha ciidamada sidoo kalena Mashaariic kala duwan ka wadda Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak