Tuesday, August 11, 2026
Dowladda Maraykanka ayaa lix diyaaradood oo nooca Helikobtarka ah ku wareejisay ciidamada difaaca Kenya si kor looga qaado dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha wadamada Kenya iyo Somalia. Xoghayaha difaaca Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wareejiyay diyaaradahan ka dib munsaabad  lagu qabtay garoonka ciidamada cirka Kenya...
Dawlad goboleedka Puntland ayaa ku eedeysay dawlada federaalka ah in ay suurta galisay in la dhinac maro heshiiskii madashu horay uga gaadhay arimaha doorashada. Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/Xakiim Xaaji Cumar Cameey ayaa warbaahinta u sheegay in la dhinac maray heshiiskaa. Ayagoo ka hadlaayay shir...
-Khubarada QM u qaabilsan xaquuqul insaanka ayaa shalay sheegay in gumaad qabaail sifeyn ah uu ka socdo dalka Koofur Sudan. Khubaradaa oo qaarkood ay booqdeen Koofur Sudan dhawaan ayaa sheegay in gumaadkaasi aad uga socdo dalkaa iminka. Waxay sheegeen in gumaadku uu iminka aad waliba uga jiro dhawr qeybood oo dalkaas...
Mukhalasiinta tahriibsha Soomaalida ayaa lug gooyo cusub bilaabay taasoo ay meelo kale ugu sii safrinayaan dhallinyarada Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalka Yemen. Dalka Yemen ayaa haatan waxaa ka jira dagaalo u dhexeeya dawlada Yemen iyo xulufada Sacuudigu hor boodayo oo dhinac ah iyo fallaaga Xuutiyiinta ah ee shiicada...
Labo askari oo ka tirsan ciidammada booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku geeriyootay iska horimaad ka dhacay deegaanka Gabar-Laawe dulleedka Koonfureed ee magaalada Beledweyne. Ciidammadan ayaa ku gudda jiray howlgal lagu bur burinayay isbaaro koox maleeshiyo ah ay dhingteen halka iska horimaadku ka dhacay, kuwaa oo lacago baad ah kaga...
Doorasho Xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Waxaa ku soo baxay laba xildhibaan oo ka mid Noqonaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashadaan oo billaabatay 8:00 Fiidnimo ee Xalay ayaa laba kursi oo ka mid ah Aqalka hoose waxaa ku tartamay Haween iyo Rag, iyadoo...
Dowladda Kenya Kenya ayaa digniin ka soo saartay weerar uga yimaada dhinaca xoogagga al-shabaab ee ka dagaallama gudaha dalka Soomaaliya, sidda laga soo xigtay saraakiisha booliiska. Saraakiisha ayaa sheegay in ay helleen xog la xiriira in Alshabaab qorsheynayaan in ay isku urursadaan deegaanka Jadaheyle oo ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo...
Noloshii ayaa si caadi ah kusoo noqotay Magaalada ku taalla galbeedka waddanka Uganda ee Kasese kaddib markii Horraantii todobaadkan at ka dhaceen iska-horimaadyo u dhexeeyay ciidanka Uganda iyo ilaalada qasriga boqortooyo dhaqameedka Rewenzuru. Wadooyinka Magaalada Kesese, ayaa u muuqata mid ay dib u soo camirmaysa iyadoo gabi ahaan goobihii ganacsiga...
Gudiga doorashooyinka heer dowlad gobolleed ee gobollada W/qooyi Soomaaliland ayaa soo saaray xubnaha xildhibaanada u tartamaya kuraasta aqalka sare ee gobolada waqooyi ee Soomaaliland. Musharixiintan ayaa loo qeybiyay gobolada kala duwan ee waqooyiga Soomaaliya, waxaana musharixiinta ka mid ah xubno xilal horey kaga soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya iyo dowlada haatan...
Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa qoraal u soo saaray ugu baaqay hay'adda nabad-sugida Qaranka in ay faraha kala baxdo habsami u socodka doorashada dalka. Warka ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa loo kala dirray dhamaanba guddiga doorashada dadban, laamaha ammniga, iyo beesha caalamka intaba, waxaana...