Thursday, August 13, 2026
Maanta oo Axad ayaa lagu wadaa  in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha, iyadoo illaa 9 Musharax ay maanta jeedin doonaan khudbado ay uga hadlayaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxqabadkooda haddii la doorto. Maalintii shalay oo Sabti aheyd iyo Khamiistii todobaadkii hore ayaa waxaa baarlamaanka hortagay oo...
Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in laga wareejiyay goobtii la filayay in doorashada Madaxweynaha ka dhacdo oo aheyd Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, kaddib markii ay cabasho soo gudbiyeen illaa 18 Musharax. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay cabashada Musharaxiinta ayaa sheegay in la go’aansaday in doorashada ka...
Warsaxafadeed (Muqdisho-04-02-2017) Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed, Xildhibaano Qaran,  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada; Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada, oo shirkuyeeshay Magaalada Muqdisho,  Hotel Maka Almukarama, iyagoo ka hadlay faragelinta qaawan ee doorashada Soomaaliya lagu hayo, iyo baahida loo qabo isbadal hogaamineed ayaa waxay Cadeynayaan kuna baaqayaan,  iyagoo isku duuban: ...
Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka digayo sida uu hadalka u dhigay faragalin dowlado shisheeye ay ku hayaan doorashada Soomaaliya. C/raxmaan Faroole ugu baaqay...
Maanta ayaa lagu waddaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada mid ka mid ah kuraastii horay doorashadooda uga dhacday magaalada Jowhar, kaa oo gudiga xalinta khilaafaadka ku soo dareen shan kursi oo lagu eedeeyay in lagu soo doortay hab musuqmaasuq ah. Kursigan ayaa ah kursi xildhibaannimo ee beesha Jidle, waxaana...
Dalka Mareykanka Xaakim heer federaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dadkii imanayay 7 dal oo muslim ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey...
Adeeg-ga Shirkad-da Viberka ayaa bilaash looga dhigay dadka uu saameeyay go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Maraykanka ,kaasi oo muwaadiniinta todobo wadan oo Muslim ah looga mamnuucay in ay gudaha u soo galaan Maraykanka. Shirkad-da ayaa sheegtay in aysan wax lacag ah ku dalaci doonin wicitaanka dadka adeegsanaya adeeg-gan marka...
Xog-hayaha gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in hadii Kuuriyada Woqooyi adeegsato hub Nukliyeer ah lagaga felcelin doono "go'aan adag oo meel mar ah" . Mattis wuxu ka hadlayey Koonfur Kuuriya oo uu u tagay inuu mar labaad u xaqiijiyo taageerada Maraykanku u hayo dalkooda, ka dibna wuxu u...
Warbaahinta ayaa sheegaysa in askari Faransiis ah oo gaadh ka hayey matxafka Louvre ee Paris rasaas ku furay nin uu ka shakiyey in uu weerar damacsanaa. Ninkaas oo ku dhawaaqayey "Allaahu Akbar" ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayey in  midi uu sitay ku dhufto askariga laakiinse uu isaga dhaawac...
Dibadax lagu taaageeray guushii hor dhaca aheyd ee Soomaaliya ay ka gaartay dacwada badda ee u dhaxeysa labada dal Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Didbadaxan ayaa marka laga soo tago dadweynihii ka qeybgallay sidoo kale waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir...