Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Muqdisho kulan ku yeeshey Qodobana kasoo saarey.

0
548

Kulan ay maanta isugu yimaaden Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya,uuna shir gudoominayey Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaalieed ayaa waxaa looga hadley Xaalada Dalka Soomaaliya,waxaana dood iyo Falaqeyn kadib laga soo saarey Qodobadan:-

1 Tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed waxaa aad usoo batey Dilal iyo dhagaro shacabka Hantidiisa lagu wax yeeleynayo,mana jirto cid loo soo qabtey illaa hada,iyaoo hay’adaha Amniga loo soo jeediyey in ay ku filaadaan hawlaha loo igmadey hadii kale Xilka ay iska casilaan,inta aan xilkaqaadis lagu sameyn.

2 Xisbiyada Siyaasadda dalku waxey ugu baaqeen Madaxweynaha,Guddiga Abaaraha iyo R/W cusub in si dhaqso ah looga hawl galomeelaha Abaarta darani ka jirto Gurmad deg deg ahna la fidiyo.

3 Axzaabta dalku waxey isku af garteen in kor loo qaado hawlaha xisbiyada heer degmo.heer Gobol iyo heer Qaranba gacanna laga geysto sidii loo gargaari lahaa dadka Cudurada iyo gaajadu ku leyneyso dalka gudihiisa.

4 Sidoo kale Madaxda Xisbiyadu waxey ugu baaqeen M/weyne Maxamed C/llaahi Maxamed iyo R/W Xasan Cali KHeyre in ay ka fogaadaan,kana ilaaliyaan Xukuumada soo socota ku millanka Barlamaanka,waana in hadii xubin baarlamaan ka mid noqoto Xukuumadda ay baneyso xubinnimada Barlamaanka si qof kale u bedelo iyadoo aan la aqbali karin marnaba xubin baarlamaan oo labo xil isku heysa,si isla xisaabtan Barlamaanka iyo Xukuumaddu u dhaqan galo.

5 Ugu danbeyntiina waxey Xisbiyadu isku afgarteen in wada tashiga Bulshada Qeybaheeda iyo Madaxda dalku uu mar kasta lagama maarmaan yahey,lana dadejiyo Hirgelinta Dimuquraadiyadda iyo Diiwaan gelinta Xisbiyo Sharci ku dhisan oo dalka dhamaantiis ka hawl gala,lagana gudbiyo Dalka nidaamka 4.5 iyo kala qoqobka Gobolada Dalku ka koobanyahey.

DHAMAAD.

Wabillaahi Tawfiiq.

warsom2011@gmail.com