– Ciidamadda dowladda Soomaaliya, ayaa ku guuleystay in si nabad-galyo ah ay ku qaadaan, Bam-gacmeed la dhigay afar irdoodka Suuqa-Xamarweyne ee magaaladda Muqdishu.
Saraakiisha Nabadsugidda, ayaa xiray goobtii la dhigay qaraxa, waxaana ay bilaabeen howlgallo mudo kooban.
“ Suuqa waxaa ka bilaawday kala carar, iyadoo goobaha ganacsiga ay furanyihiin, ilaa ciidamadda ay kasoo gaaraan goobtii qaraxa uu yaalay” Xamdi Yuusuf oo ka mid ah ganacsatada suuqa ayaa WARBAAHINTA u sheegtay.
Xaalada Suuqa Xamar-weyne, ayaa si caadi ah kusoo noqday, kadib markii ciidanka ay ka tageen.
Masuuliyiinta dowladda, ayaa ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka.
Lamana oga cidda ka anbeysa oo suuqyada bar tilmaameedsanaya mana jirto cid sheegatey in ay iyagu ka danbeeyeen,waana habab ku cusub magaalada muqdisho iyo suuqyada ku yaala.
warsom2011@gmail.com









