Thursday, August 13, 2026
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban siddeed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Munaasabada caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad...
Kaddib markii dhawaan maamulka Soomaaliland uu hishiis militari la galay dowladda Imaraadka Carabta oo rabta in saldhig militari ka sameysato magaalada Berbera ayaa waxaa markii ugu horeysay arintan ka hadashay dowladda Soomaaliya. Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii...
Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxiin reer Iran ah; kuwo kale oo isla dalkaa kasoo jeeda ayay wali heysaa. Kuwa lasii daayay ayaa dhan 8. Sidaa waxaa xaqiijiyay xildhibaan reer Iran ah. Wuxuu sheegay in wali ay socoto waan waan lagu damacsan yahay in inta kalena lagu soo...
Nin Kenyan ah ayaa la sheegay inuu waday gaarigii lagu qarxiyay xerada KDF ee Kulbiyow ka hor intii al-Shabaab aysan xeradaa weerarin dhawaan. Gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxshay ayuu soo waday dabadeedna xeradaa uu soo dhex galiyay ka hor gaarigu inta uusan qarxin xarakada al-Shabaabna aysan...
Maxkamada militariga ee Puntland ayaa 7 qof oo al-Shabaab ka tirsan ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadaa oo kutaala Boosaaso ayaa raggaa oo dhallin yaro ah ku xukuntay dilka shalay. Sidaa waxaa xaqiijiyay C/Fataax Xaaji Aadan, guddoomiyaha maxkamadaa. Wuxuu intaa ku daray in ragaa lagu helay inay ka tirsanaayeen rag si kadis...
Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee deegaannada Sool iyo Buuhoodle ayaa hanbalyo iyo dardaaran u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo. Madax-dhaqameedkan oo ku sugan halka lagu magcaabo Higlo-ka-dhacday oo ka tirsan magaalada Buuhoodle oo xiisad colaadeed ka taagnayd maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa ay sheegeen in ay...
Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria Yemi Osinbajo oo war qoraal ah ka soo saaray doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay tahay doorashadaasi guul u soo hoyatay dhammaan umada Soomaaliyeed. Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria Yemi Osinbajo  ayaa qiray in doorashadii lagu doortay Farmaajo in ay aheyd mid...
Garsoore Kenyan ah ayaa xabsi muddo bil ah ku xukumay saraakiil ka tirsan Midowga Dhaqaatiirta dalka Kenya, sababo ka xiriira shaqo joojinta muddada socota oo ay wadaan. Dhaqaatiirta ayaa dalbanaya mushahar ka wanaagsan kan iminka ay qaataan iyo xaalad shaqo oo ka wanaagsan tan iminka. Shaqo joojinta ay wadaan ayaa socotay...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay ganacsato mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga iyo warshadaha. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” waxaa uu ganacsatada uu hoggaaminayo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre kala hadlay laba qodob oo aad u muhiimsan” ayuu yiri agaasimaha rugta ganacsiga iyo warshadaha...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30Km u jira Jowhar. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas. Illaa saddex ruux oo dhinacyadii...