Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay gacanta kusoo dhigeen nin horay Muqdisho ugu dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka.
“Iskaashi ay sameeyen ciidanka Booliska kadib, waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Faarax Cali Nuur Xeyle, oo dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka, sida...
Magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaa maanta ku dhintay wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa shaqaallaha wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.
Allaha u naxariistee geerida wariyaha waxaa xaqiijiyay, wakaaladda Wararka ee dowladda Soomaaliya.
“Wariye MM Macalim ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalladda Muqdisho, hase ahaatee dhawaan ayaa...
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ee dhanka dibadda ah ku tegaya dalka Qadar.
Mudane Xasan, ayaa waxaa safarkiiga ku wehlinaya qaar kamid ah Golaha wasiiradda ee xukuumadda, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay ka qeyb-galaan shirka “Doxa Forum” ee ka...
Robabkan oo ka da'ay dhul aad u balaadhan oo ka mid ah gobolka Sool iyo degaanka Caymeed ee Buuhoodle, waxaana la xaqiijinayaa in uu yahay roobkii ugu balaarnaa ee 5tii sano ee ugu danbeeyey saameeyey dhul baaxadaas leh.
Magaalada Laascaanood ayaa ku dhowaad 8 saacdood uu roobku ka da'ayey, iyadoo...
Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa lasoo sheegayaa in ay maanta duqeyeen degaan hoos yimaada Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha ayaa duqeyay degaanka Kedis oo 25km u jira magaalladda Garbahaarey, sida mas’uuliyiinta degaanka ay sheegeen.
Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war kasoo baxay dowladda Kenya iyo maamulka...
Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay halka sagaal kalana ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal beeleed maanta ka dhacay degaan hoos yimaada Gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud ee Dowladda Soomaaliya.
Dagaalka waxaa uu ka dhacay degaanka Labi-caano oo dhaca bariga Gobolka Galgaduud.
“Dagaalka waxaa ku...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamed, oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa lagu eedeyay in uu gaari nooca ciidamada ah uu jiirsiiyay Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane, waxaana dhinaca kale uu dhaawacay Haweeney.
Shilka lagu dilay Marxuum Tahliil laguna dhaawacay...
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalladda Muqdishu.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalladda London, halkaasi oo ay ka socdeen shirar looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde...
Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu, waxaa shalay soo caga dhigatay diyaarad sidday 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Aadan Adde.
Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya subaxnimadii hore ee maanta toogasho ku dileen Wiil iyo Aabihii oo ka tirsanaa dadka deegaanka.
Qof ku sugan deegaanka Beerxaano oo la hadlay WARSOM ayaa sheegay in Axmed Xaanshi Tuuroow iyo wiilkiisa oo lagu magacaabo Shinade...


















